Isimada Puntland oo soo saaray bayaankoodii ugu horeeyay ee ku saabsan doorashada

Islaan Ciise ayaa isimadu u doorteen shir guddoon. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Isimada Puntland oo ayaamahaan shirar uga socdeen magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa maanta soo saaray bayaan.

Bayaanka ay soo saareen isimada ayaa ku aadanaa doorashada madaxweynaha Puntland.

Qodobada ayaa kala ah:

1. In la wadaago masuuliyad wadareed, cid kastana ay xil iska saarto sidii loo heli lahaa doorasho ku dhacda nabad iyo xasilooni.

2. In guddiga doorashada lagu aamino in ay soo ansixiyaan soona saaraan xildhibaanadii beeluhu soo xusheen isimaduna soo saxiixeen.

3. In musharixiintu ay yihiin masuuliyiin muwaadiniin ah xilna ka saaranyahay la shaqaynta iyo kalsoonida guddiga ansixinta iyo laamaha amniga.

4. In taliyayaasha amniga ay u xilsaaranyihiin amniga guud ahaantiis, masuulna ka yihiin, musharixiintuna ay u simanyihiin ayna dhib kala kulmin xoriyadooda dhaqdhaqaaq si wadajir ahna loo wada shaqeeyo.

Isimada ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Puntland in ay qayb ka qaataan ilaalinta amniga iyo xasiloonida si doorashadu ay ugu dhacdo si xasilooni ah.

Isimada ayaa intaas ku daray in ay la socon doonaan xaalada markasta inta ay doorashadu qabsoomi doonto.

Waa bayaankii kowaad oo ay isimadu soo saaraan tan iyo markii ay Garoowe ku kulmeen asbuucii hore, iyaga oo Islaan Ciise Islaan Maxamed u doortay shir guddoon.

8-da bisha Janaayo ee sanadka 2019 ayaa qorshuhu yahay in ay dhacdo doorashada madaxweynaha Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*