Isimada Puntland oo kulan ku yeeshay Garoowe

Kulanka isimada maanta oo ka dhacay Garoowe. [Xigashada Sawirka: PDRC]
Garoowe-(Puntland Mirror) Isimada dhaqanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah shir toos ah ku yeeshay magaalada Garoowe, iyaga oo isku raacay in ay joogteeyaan wadatashiga ilaa doorashada.

Intii uu kulanku socday, isimada ayaa sameystay guddi iyaga oo Islaan Ciise Islaan Maxamed u doortay shir guddoon.

Qaar katirsan isimada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan cabshada musharixiinta madaxweynaha oo shalay oo Arbaco ahayd la kulmay isimada.

Sidoo kale isimada ayaa ujeediyay guddiga xalinta khilaafaadka baarlamaanka in ay ku shaqeeyaan qaab cadaalad ah oo hufan.

Isimada oo ah hoggaamiyaasha dhaqanka waa marjiciga ugu dambeeya ee xalinta khilaafyada Puntland tan iyo markii la asaasay 1998.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*