Isimada Puntland oo ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka taagnaa dekada magaalada Boosaaso

Isimada Puntland oo ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka taagnaa dekada magaalada Boosaaso. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Isimada Puntland ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka taagnaa dekada magaalada Boosaaso, sida manta oo Arbaco ah uu sheegay Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Munaasabada lagu soo bandhigayay heshiiska ayaa maanta ka dhacday magaalada Boosaaso, waxaana ka qeybgalay masuuliyiin katirsan dowladda iyo ganacsatada.

Qodobada lagu heshiiyay ayaa ah:

  • In laga wada shaqeeyo nabadgelyada
  • Dawladdu inay soo bandhigto hashiiska balaarinta Dekedda Boosaaso
  • In la taageero Mashaariicda horumarineed ee Puntland
  • In Tariifada ay soo saareen Isimada ee ku meel gaarka ah lagu dhaqmo

Xubno katirsan ganacsatada oo munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay heshiiska, iyaga oo carabka ku adkeeyay in la dhaqangeliyo loona sameeyo guddi dabogal ku sameeya.

Dhanka kale, masuuliyiinta dowladda ayaa boggaadiyay heshiiska, waxayna balanqaadeen in la fulin doono qodobada lagu heshiiyay.

Heshiiska ayaa haddii uu fulo waxa uu soo afjari doonaa khilaafkii ka raagnaa dekada Boosaaso oo u dhaxeeyay ganacsatada iyo dowladda, kaasoo sababay in asbuucyadii u dambeysay ay shaqada dekadu istaagto.

Khilaafka ayaa yimid kadib markii ganacsatadu ka cabteen lacago dheeri ah oo ay sheegeen in ay ku soo rogtay shirkada DP World, taasoo Puntland ay la gashay heshiis ku saabsan in ay balaariso dekada Boosaaso ayna maamusho ku dhawaad 30-sanno.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*