Isimada gobolka Nugaal oo qado sharaf u sameeyay Raysulwasaare Xasan Cali Khayre

Raysulwasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlaya qado sharafta loogu sameeyay xarunta dalxiiska Hido-Raac. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Isimada gobolka Nugaal ayaa qado sharaf u sameeyay Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre maanta oo Isniin ah.

Munaasabada qado sharafta ayaa ka dhacday xarunta dalxiiska Hido-Raac oo kutaala duleedka magaalada Garoowe.

Isaga oo ka hadlayay munaasabada Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa soo dhaweeyay Raysulwasaaraha iyo wefdigiisa, waxaana uu bogaadiyay shaqada ay qabatay mudadii koobneyd oo ay jirtay xukuumada ay hormuudka u yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo  Raysulwasaare Xasan Cali Khayre.

Suldaan Garaase ayaa Raysulwsaraaha ka codsaday in Dowladda Dhexe ee Federaalka ay Puntland soo gaarsiiso qeybteeda deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya, oo uu sheegay in ay ku koobantahay Muqdisho keliya.

Garaase ayaa sidoo kale munaasabada kas jeediyay hadalo kaftan u badan oo si weyn uga qosliyay Xasan Cali Khayre iyo masuuliyiintii kale ee ka qeybgashay munaasabada.

Dhankiisa, Raysulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa isimada gobolka Nugaal uga mahadceshay munaasabada ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa, waxaana uu balanqaaday in xukumadiisu ay ka shaqeyn doonto sidii loo soo celin lahaa ammaankii iyo kala dembeynti si ay u soo noqoto sharaftii ummada Soomaaliyeed.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo masuuliyiin katirsan Puntland.

Xasan Cali Khayre ayaa Axadii Garoowe ku yimid safarkiisii ugu horeeyay ee Puntland tan iyo markii xilka loo doortay bishii March 2017-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*