Iran oo wacad ku martay in ay burburin doonto Yuhuuda haddii Donald Trump uu daandaansado heshiiskooda nukleerka

Wasiirka gaashaandhiga dalka Iran Hossein Dehghan. [Sawirka: AFP]
Wasiirka gaashaandhiga dalka Iran Hossein Dehghan. [Sawirka: AFP]
Tehran-(Puntland Mirror) Wasiirka gaashaandhiga dalka Iran Hossein Dehghan ayaa sheegay haddii Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka uu ka baxo heshiiska nukleerka ay sababi doonto khatar ka dhalata xulufada Mareykanka ee Bariga dhexe.

“Cadowgu waxay doonayaan in ay weerar nagu soo qaadaan lagu saleynayo xisaabo khaldan taasina waxay dhaawac muuqda u geysan doontaa awoodooda,” ayuu yiri Hossein Dehghan.

“Dagaal saas oo kale ah waxay la macno tahay burburka Yuhuuda (Israel) waxayna saameyn ku keeni doontaa gobolka oo dhan, sidoo kale waxay sababi kartaa dagaalka aduunka,” ayuu ku daray.

Heshiiska nukleerka, ayaa lagu saxiixay magaalada Vienna bartamihii bishii July ee 2015-ka, waxaana uu ahaa saxiix diblomaasiyadeed oo ahayd tilaabo uu horey u qaaday madaxweynaha xilligiisu dhammaanayo ee Mareykanka Barack Obama.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa horey u balanqaaday in uu ka bixi doono heshiiskaas marka la doorto isaga oo ku tilmaamay “heshiiskii ugu xumaa abid”.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*