Iran oo Soomaaliya u dhoofisay ku dhawaad $30 milyan oo badeecooyin ah intii lagu guda jiray sanadkii lasoo dhaafay

Iran oo Soomaaliya u dhoofisay ku dhawaad $30 milyan oo badeecooyin ah intii lagu guda jiray sanadkii lasoo dhaafay. [Xigashada Sawirka: Press TV]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dalka Iran ayaa Soomaaliya u dhoofisay ku dhawaad $30 milyan oo badeecooyin ah intii lagu guda jiray sanadkii lasoo dhaafay.

Wakaalada wararka Iran ee IRNA oo soo xiganaysa Ururka Kor u Qaadida Ganacsiga Iran iyo wadamada Carabta ee kuyaala Afrika ayaa sheegtay in 30% uu kordhay badeecooyinka ay Iran u dhoofiso Soomaaliya marka la barbardhigo sanadkii kan ka horeeyay.

Badeecooyinka ay Iran Soomaaliya u dhoofiso ayaa waxaa ugu waa-weyn shamiitada, buskutka, shinida, shukulaatada iyo weelka cunada (maacuun) iyo daawooyinka, sida ku warantay IRNA.

Soomaaliya ayaan iyadu waxba u dhoofin Iran.

Intii lagu guda jiray labadii sanno ee lasoo dhaafay, Soomaaliya iyo Iran ayaan lahayn xiriir diblomaasiyadeed.

Dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xiriirka u jartay Iran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*