Injineer Turki ah oo lagu dilay qaarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qarax gaari Muqdisho. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror)  Nin injineer ah oo u dhashay dalka Turkiga ayaa lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho galabnimadii Axadda, sida ay sheegeen haayadaha ammaanka.

Injineerka oo walxaha qarxa loogu xiray gaarigiisa ayaa ku qarxay isaga oo marayay meel u dhow jidka KM4, waxaana dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxa loola cararay isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho, halkaas oo uu ku geeriyooday, sida ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiinta safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Waxa uu la shaqeynayay shirkad Turki ah, sida ay safaaraddu sheegtay.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkaas, sida ay baahiyeen warbaahintoodu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*