Indonesia oo doonaysa in Ciidamo Caalami ah loo sameeyo dhismaha masjidka Al-Aqsa

Indonesia oo doonaysa in Ciidamo Caalami ah loo sameeyo dhismaha masjidka Al-Aqsa. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Jakarta-(Puntland Mirror) Dalka Indonesia ayaa asbuuca soo socda soo jeedin doona in Ciidamo Caalami ah loo sameeyo dhismaha masjidka Al-Aqsa si looga hortago isku dhacyo kale oo dheeraad ah oo u dhaxeeya haayadaha Yuhuuda iyo dadka Falastiiniyiinta ah ee raba in ay ku cibaadaystaan masaajidka, sida uu sheegay masuul Indonesia katirsan maanta oo Jimce ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Indonesia Arrmanatha Nasir ayaa wariyeyaasha u sheegay in Indonesia ay ka codsan doonto beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay in la sameeyo ciidamo si ay u ilaaliyaan Al-aqsa.

Afhayeenka ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibada Indonesia Retno Marsudi uu codsiga ka jeedin doono Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo Talaadada soo socota ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Indonesia ayaa ah dalka ugu dadka badan wadamada Muslimiinta.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*