In ka badan 300 oo macalimiin ah oo ka qalinjabiyay kulliyada tababarka macalimiinta GTEC

macalimiin
Ardayda qalinjabisay oo wajiyadooda farxad ka muuqato. sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Garoowe-(Puntland Mirror) In kabadan 300 oo macalimiin ah ayaa maanta oo Isniin ah ka qalinjabiyay kulliyada macalimiinta ee Garoowe “GTEC”.

Madaxweynaha dawladda Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali, wasiirka waxbarashada Puntland Abshir Yuusuf Ciise, xildhibaano iyo marti sharaf kale ayaa ka qaybgashay munaasabada oo lagu qabtay kulliyada GTEC.

education minister
Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli oo uu dhinac fadhiyo wasiirka waxbarashada Abshir Physics. Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo munaasabadda qalinjebinta ah khudbad ka jeediyey ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Maamulka, Macalimiinta, haayadaha caawiya kulliyadda GTEC iyo macalimiinta ka qalinjebiyey kulliyadda tababarka Macalimiinta ee GTEC.

Madaxweynaha ayaa xusay in macalinimadu ay tahay shaqada ugu wanaagsan ee uu qof banii’aadam ahi ka shaqeeyo isla markaana waxaa uu tilmaamay Madaxweynuhu in loo baahan yahay in lasii dar-dargeliyo dedaalka loogu jiro sidii loo soo saari lahaa macalimiin tayo leh oo ka hawl gala Puntland, si ay bulshada reer Puntland uga haqab beesho baahida macalimiinta ee ka jirta.

Kulliyada tababarka Macalimiinta ee GTEC oo kutaala caasimada Puntland, Garoowe, ayaa horey u soo saartay boqolaal macalimiin xirfadlayaal ah kuwaasoo hadda ka shaqeeya xarumaha waxbarashada ee Puntland ka jira.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*