IMF oo Soomaliya ka caawin doonta sameynta lacag cusub oo lagu badalayo tii hore

IMF oo Soomaliya ka caawin doonta sameynta lacag cusub oo lagu badalayo tii hore. [Sawirka: Archive]
IMF oo Soomaliya ka caawin doonta sameynta lacag cusub oo lagu badalayo tii hore. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Haayada caalamiga ah ee maaliyada ee IMF ayaa Soomaaliya ka taageeraysa qorshe dib loogu badalayo lacagta canyayuuban ee la daabacay kahor inta dalka uusan gelin dagaalka sookeeye oo qiyaas ahaan dhan ilaa 30-sanno.

Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah ayaa la filayaa in sanadkan ay suuqyada dalka gasho, iyada oo dhinac socota dollarka oo hadda ah lacagta ugu badan ee lagu bixiyo mushahaarka gudaha Soomaaliya.

Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ayaa badali doonta lacagta duuga ah oo haddana faalisada ah ee hadda dalka laga isticmaalo, sida wareysi uu siiyay warbaahinta caalamiga ah ee Bloombeg uu ku sheegay Samba Thiam oo ah madaxa IMF u qaabilsan Soomaaliya.

“Qiyaastii 98 boqolkiiba lacagta hadda dalka laga isticmaalo waa mid faaliso ah,” ayuu Bloomberg u sheegay Thiam.

“labada harsana waa lacag la sameeyay 1990 ilaa iyo 1991-dii markaas oo ay dowladdii dhexe sii dhacaysay, wali suuqyada waa ay ku jirtaa, balse waa mid duug ah.” Ayuu ku daray.

Sida uu sheegay Thiam, daabacaada lacagta cusub taasoo marka kowaad qiimaheedu yar yahay ayaa ujeedadeedu tahay soo celinta awooda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya si uu u maamulo siyaasadda maaliyada dalka.

Ugu dambayna, sida ay sheegayaan khuburada dhaqaalaha, sameynta lacagtan cusub ee Shillinga ayaa kor u kac weyn ku keeni doonta dhaqaalaha dalka, iyada oo ku wareegi doonta suuqyada dalka oo dhan, sidoo kale lacagtaas ayaa qayb ka qaadan doonta hoos u dhigida lacagaha hawada ah ee (E-voucher) ee ay bixiyaan xawaaladaha dalka ka shaqeeya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*