IMF oo sheegtay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhi karo 3% sanadka 2019

Xarunta Amal, oo kamid ah xawaaladaha ugu waa-weyn ee Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ku socda dib u kabasho, iyada oo la filayo koboc 3% sanadka 2019-ka halka sanadkii hore uu ahaa 2.9%, halka sicir bararku uu hoos ugu dhacay 3% oo uu awal ahaa 3.2%, sida ay sheegtay haayada lacagta adduunka ee IMF maanta oo Talaado ah.

“Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu ku socdaa dib u kabasho, ay gacan ka geysteen dadaalo waa-weyn oo ay kamidyihiin dhismaha, isgaarsiinta, iyo adeegyada maaliyada sanadkii 2018,” Allison Holland, kaasoo madax ka ah kooxda IMF ee wada-xaajoodka kula jirta Soomaaliya, ayaa sidaa ku sheegay bayaan.

“Balse hiigsiga weli waxa uu ku suganyahay mid wiiqmi kara iyada oo xaalada ammaanku aysan weli adkeyn, dhibbaatooyinka cimilada iyo weli awooda haayadaha soo koraya, iyo arrimo kale oo badan ayaa u baahan in la hagaajiyo sida adkeysiga dhaqaalaha, kordhinta shaqaaleysiinta iyo dhimista fakhriga.”

Dowladda Soomaaliya ayaa adkeysay saldhiga canshuurta iyo canshuurta maamulka, taasoo kordhineysa dakhliga 30% $184 milyan sanadkii 2018 iyo kahorba, halka labada bilood ee hore ee sanadka 2019-ka ay ka noqotay $54 milyan, Holland ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*