IMF oo sheegtay in ay heshay $334 milyan si loogu bixiyo deyn cafiska Soomaaliya

Madaxa IMF Kristalina Georgieva. [Sawir Hore]
Nairobi-(Puntland Mirror) Haayada Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay Arbacadii in ay heshay lacag ku filan si loogu bixiyo $334 milyan loogu bixiyo deyn cafiska Soomaaliya,  taasoo waddo fiican u ah hal tilaabo oo horey loogu qaaday in Soomaaliya laga vafiyo $5.3 bilyan.

In ka badan 100 dal oo xubin ka ah IMF ayaa balanqaaday in ay lacagtaas wax ka bixinayaan, sida IMF ay ku sheegtay war-saxaafadeed.

Bankiga Adduunka iyo IMF ayaa sheegay 14-kii Febaraayo in go’aanka ugu dambeeya ee deyn cafiska Soomaaliya laga yaabo in uu noqdo bisha soo socota ee Maarso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*