IMF oo sheegaysa in koboca dhaqaalaha Soomaaliya uu kor ugu kacayo 3.5% sanadka 2019

Beeralay Soomaali ah. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Haayada caalamiga ah ee IMF ayaa rajaynaysa in dhaqaalaha Soomaaliya uu kor u kici doono 3.5 boqolkiiba sanadkan iyo sanadka xiga, marka la barbardhigo qiyaasta sanadkii 2018 oo ahayd 3.1 boqolkiiba.

“Dhaqaalaha Soomaaliya waa uu soo kabanayaa balse dadaalo dheeri ah ayaa loo baahanyahay si loo sugo adkaysiga dhaqaale loona yareeyo fakhriga,” ayaa ay bayaan ku tiri IMF maanta oo Arbaco ah.

“Tan iyo sanadkii 2017, koboca ayaa caadi kusoo noqonayay, sicir bararka ayaa hoos u dhacay is-dhinka ganacsi ayaa koobmay,” ayaa bayaanka lagu sii sheegay.

Macluumaadka ilaa November 2018 ayaa muujinaya in dakhliga uu gaaray $161 milyan, ama 32 boqolkiiba uu ka sareeyo isla mudadii sanadkii 2017, sida lagu sheegay bayaanka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*