Imaaraatka Carabta oo ka dambeeyay jabsashadii xogta kumbuyuutarada wakaalada wararka Qatar

Imaaraatka Carabta oo ka dambeeyay jabsashadii xogta kumbuyuutarada wakaalada wararka Qatar. [Sawirka: Archive]
Washington-(Puntland Mirror) Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa ka dambeeyay jabsasho kumbuyuutarada ah taasoo sababtay colaad iyo go’doominta Qatar ee wadamada dariskeeda, sida ay sheegayaan warar ay qoreen warbaahinta Mareykanka shalay oo Axad ahayd.

Imaaraatka ayaa jabsatay wakaalada wararka Qatar website-keeda iyo baraheeda bulshada waxaana lagu qoray hadalo been ah oo laga soo xigtay Amiirka Qatar Shiikh Tamim Bin Hamad al-Thani, sida uu daabacay wargeyska Washington Post oo soo xiganaya saraakiil katirsan sirdoonka Mareykanka oo magacooda qariyay.

Jabsashada ayaa dhalisay in uu joogsamo xiriirkii u dhaxeeyay Qatar iyo shan wadan oo ah dariskeeda Khaliijka oo uu hoggaaminayo Sucuudi Caraabiya.

Ilaa iyo shantii bisha June, Qatar ayaa waxaa saaran xanibaad dhanka cirka iyo badda ah oo ay ku sameeyeen Sucuudi Caraabiya, Isutaga Imaaraatka Carabta, Masar, Baxrayn,yo  Yemen, kuwaasoo ku eedeeyay Dooxa in ay taageerto argagixisada.

Jabsashada ayaa dhacday qiyaastii 24 bishii May, sida ay wararku sheegayaan.

Qoraalada la jabsaday oo beenta ah ayaa lagu sheegay in Iran ay tahay awooda Muslimiinta iyo sidoo kale qoraalo kale oo ka dhan ahaa Boqorka Sucuudiga.

Imaaraatka ayaa qaadacay warbixinta Washington Post iyada oo safiirka Imaaraatka u fadhiya gudaha Mareykanka u bayaan ku sheegay in warbixintu ay tahay mid “been ah”.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*