Imaaraatka Carabta oo cambaareysay lacagtii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Sumada Imaaraatka Carabta.[Sawirka]
Dubai-(Puntland Mirror) Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa cambaareysay qabashada lacagtii katimid Imaaraatka oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka Imaaraatka oo ay daabacday wakaalada wararka Imaraatka ee WAM ayaa lagu sheegay in loo qorsheeyay lacagta taageerada ciidamada Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in uu jiray heshiis u dhaxeeya labada dal oo la saxiixay bishii November ee sanadkii 2014, kaasoo dhigaya in labada dal ay iska kaashadaan xiriirka milatari, ayna taas salka ku heysay lacagtu.

Sidoo kale Imaaraatka ayaa bayaanka ku sheegay in tilaabada lagu xiray lacagtaas ay tahay sharci daro ayna dhaawici karto xiriirka diblomaasi ee u dhaxeeya labada dal, iyada oo jabin karta heshiiska ka dhaxeeyay labada dal iyo shuruucda caalamiga ah.

Axadii, ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabtay diyaarad ka timid Imaaraatka Carabta oo siday lacag dhan $9.6 milyan.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda lacagta ayaa la dhigay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaana lagu sameyn doonaa baaritaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*