Imaam masaajid oo lagu dilay magaalada New York ee Maraykanka

Maulana Akonjee
Imaamka la dilay, Maulana Akonjee.

New York-(Puntland Mirror) Iimaam Muslim ah iyo kaaliyihiisii ayaa lagu dilay magaalada New York ee dalka Maraykanka shalay galab oo Sabti ahayd.

Imaamka iyo kaaliyihiisa ayaa wada lugaynayay marka la dilay, sida ay sheegeen haayadaha amaanka Maraykanka.

Nin afka soo duubtay ayaa gadaal ka toogtay iimaamka iyo kaaliyihiisa, sida uu sheegay afhayeenka booliiska.

Booliiska ayaa sheegay in cidna aan wali loo xirin kiiskaas.

Imaamka la dilay ayaa la oran jiray Maulana Akonjee, wuxuuna jiray 55-sanno, sidoo kale kaaliyihiisa ayaa la oran jiray Thara Uddin, isna wuxuu jiray 64-sanno, labadooduba waxay xirnaayeen khamiisyo markii la tooganayay, sida ay booliiska sheegeen.

Ninka looga shaki qabo dilka ayaa waxaa arkay dad goobjoog ahaa isagoo qori gacanta ku wata oo ka cararaya goobta uu dilka ka dhacay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*