Ilo-wareedyo sirdoon oo sheegay in hoggaamiyihii Al-Shabaab uu geeriyooday

Hoggaamiyaha maleeshiyada Al-Shabaab Axmed Cumar Cubeydah. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Warar sirdoon ayaa sheegaya in hoggaamiyihii maleeshiyada Al-Shabaab uu geeriyooday.

Sargaal sirdoonka Soomaaliya katirsan oo magaciisa qariyay ayaa laanta Af-Soomaaliga ee VOA u sheegay in Axmed Cumar Cubeydah uu ku geeriyooday meel kutaala koonfurta Soomaaliya Isniintii.

Bishii lasoo dhaafay, Wargeyska fadhigiisu yahay dalka Kenya ee The Star ayaa daabacay in hoggaamiyaha Al-Shabaab uu la tacaalayo xanuunka kansarka ama kaankarada oo kaga dhacay caloosha.

Balse, ma jiraan wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ay ku xaqiijinayaan dhimashada hoggaamiyahooda.

Abu Cubeydah ayaa badalay hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane kaasoo lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka sanadkii 2014-kii.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo sanadkii 2006-dii la asaasay ayaa mar maamuli jiray inta badan deegaanada koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto caasimada Muqdisho, balse sanadihii u dambeeyay ayaa deegaano badan banaanka looga saaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*