Ilhaan Cumar oo ku guulaysatay kursiga baarlamaanka degmada 60-B ee gobolka Minnesota

Ilhaan Cumar
Ilhaan Cumar.

Minneapolis-(Puntland Mirror) Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa ku guulaysatay doorashada hor dhaca ah ee kursiga baarlamaanka gobolka Minnesota ee degmada 60-B.

Ilhaan ayaa heshay 40.95% codadka degmada 60-B, iyadoo ka guulaysatay Phyllis Kahn, oo ahayd xildhibaankii hore ee degmada, taasoo ku fadhiday kursiga muddo ka badan 44-sanno.

Sidoo kale waxaa Ilhaan Cumar la tartamayay wiil Soomaaliyeed oo la dhaho Maxamuud Nuur, isagoo helay 30%.

Kadib guusha Ilhaan Cumar, Maxamuud Nuur oo la loolamayay ayaa u hambalyeeyay Ilhaan.

“Waxaan rabaa in aan ugu hambalyeeyo guusha Ilhaan Cumar ee tartanka degmada 60-B,” sidaa ayuu ku qoray Maxamuud Nuur boggiisa Facebook isagoo sheegay “in bulshada ay maanta guulaysatay”.

Ilhaan Cumar ayaa ah gabar u dhaqdhaqaaqda siyaasada horeyna waxay u soo noqotay kaaliye katirsan golaha deegaanka magaalada Minneapolis.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*