IGAD oo shaqadii ka cayrisay Janaraal Gabre

     Janaraal Gabre. [Sawir Hore]
Jabuuti-(Puntland Mirror) Urur goboleedka IGAD ayaa shaqada ka ceyrshay kornayl Gabrezabher Alemsged oo Soomaalidu u taqaan “Janaraal Gabre”, sida lagu sheegay digreeto maanta oo Isniin ah kasoo baxday xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Maalin.

Janaraal Gabre ayaa IGAD u ahaa taliye sare oo arrimaha siyaasadda ah.

Digreetada ayaa lagu faray in Gabre uu wareejiyo hantida IGAD oo ay kamidyihiin qalabka xafiiska. Sidoo kale qaybta maamulka iyo maaliyadda IGAD ayaa laga codsaday in ay fududeeyaan xil ka wareejinta, iyo in ay shaqaale u xil saaraan sidii looga qaadi lahaa Janaraal Gabre dukumentiga lagu safro ee IGAD, haddiiba horey loo siiyey.

Gabre ayaa arrimaha Soomaaliya ku soo dhex jiray tan iyo sanadkii 2006-dii markaas oo uu hoggaaminayay ciidamadii Itoobiya oo taageero siinayay dowladdii kumeelgaarka ahayd ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Tan iyo intaas wixii ka dambeeyay Gabre ayaa si rasmi ah saameyn ugu dhex lahaa  arrimaha Soomaaliya, waxaana uu xiriir dhow kala dhaxeeyay siyaasiyiiyinta Soomaalida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*