Hoggaanka iyo hoggaamiyaha

Maqaalkan waxaan jeclahay in aan kaga hadlo hoggaanka iyo hoggaamiyaha fiican iyo kan xun, khaas ahaan waxaan diirada ku saarayaa hoggaaminta iyo hoggaamiyeyaasha Soomaliya.

Runtii waa mowduuc aad u gudo weyn oo aana halkaan ku soo koobi karin laakiin waxaaan jeclahay in aan qalinka la dul istaago intii Alle iga solansiiyo.

Dadku siyaabo kala duwan ayey u qeexaan hoggaamiyaha, haddii aad dadka weydiiso macnaha hoggaamiye qof kasta si gooni ah ayuu u macneynayaa sababtuna waa qof kasta si gaar ah ayuu u yaqaana hoggaanka iyo hoggaamiyenimada balse aragtida guud waa isku mid.

Hoggaamiyenimada dadka qaar waxay aaminsan yihiin in ay tahay wax la baran karo oo la kasban karo, halka qaar kalena ay aaminsan yihiin in ay tahay wax loo dhasho, hibo Illahay bixiyo, kuwa aaaminsan in ay tahay deeq Alle badanaa waxay ku saleeyaan shaqsiyadda qofka.

Tusaale aad u fudud ayaan hoggaamiyenimada  ku qeexayaa anigoo ku saleynaaya dhaqanka Soomaalida, neefka geela ah ama ratiga qof ayaa xarig surka uga xira oo hoggaanka u qabta, wuu hor galaa neefkuna waa raacaa, haddii meel aan la mari karin uu la maro ama waddo qodax leh  ama uu dhir la dul jiiro neefkaasi waa is giijinayaa, waa is taagayaa weyna adag tahay in uu raaco oo u hoggaansamo, marka waa in uu la mara wado nadiif ah oo aan qodax iyo dhib la heyn.

Sidaas si la mid ah qofka dadka hoggaaminaya waa in uu dadka ku hoggaamiya waddo nadiif ah, oo aan dadka dhibi ka soo gaareyn, haddii dadku dareensanyahay in aad duulaan ku tahay wey adag tahay in ay dadku ku dhageystaan ama ku adeecaan,  laakiin hadduu dareemayo in aad u naxeyso, in aad wanaagiisa kala talineyso waxaa fudud in uu ku  dhageysto kuna raaco . Hoggaamintu waa awooda dadka lagu hago jihadii saxda ahayd ayadoo aan xoog la isticmaaleyn.

Hoggaamiye waa qofka garanaya mesha loo socdo oo geediga loo yahay, aada oo dadkana ku haga. Haddii aan heli lahayn qof garanaya mesha la ina ka haysto iyo meesha geediga loo yahay waxaan shaki ku jirin in aan dhibka ka bixi lahayn, hoggaamiye kasta oo Soomaaliya yimaada wax hadaf ah maleh waxaa u cad in uu kursiga hanto, lacagtiisa ayuu ku bixinayaa siduu booskaas u hanan lahaa, markuu booska yimaadana wuxuu ku mashquulaya lacagtii ka baxday siduu u soo celin lahaa ileen qofna dooni mayo in uu khasaaree.

Hoggaamiyaha wanaagsani waa qofka saameynta wanaagsan ku leh dadka, dhiirigaliya si ay u noqdaan shaqsiyaad wanaagsan , tusaale u ah dadka oo ay ku deydaan.

Hoggaamiyaha runta ah waa qofka soo saara hoggaamiyeyaal ee aan soo saarin raaciyeyaal, dad asaga dabo socda oo rabaayad u ah.

Hoggaamiyaha ficilkiisu waa in uu dadka ku booriyaa, ku dhiiri galiya in ay riyoodaan oo wax badan baaraan, wax qabtaan iyo in ay wax noqdaan.

Donald H. Mc Gannon wuxuu leeyahay “hoggaamiyuhu waa ficil ee booska maahan” in booska la yimaado hoggaamiye laguma noqdo.

Sumadaha hoggaamiyaha wanaagsan

Cidda rabta in ay cidd tarabiyeyso waa in ay ka sareysaa cidda ay tarabiyeyneyso, macalinku waa in uu ka sareeyaa ardayga uu waxbarayo, cidda dadka hoggaamineysa oo rabta in ay indhaha u bixiso, horseed u noqoto, halyey u noqoto waa in ay jirtaa wax dadka kale ay dheer yihiin oo keenaysa in laga dambeeyo ha noqoto caqli (koreyn ruux), aqoon, akhlaaq, dhaqan, go’aan, degenaansho, dulqaad iwm.

Cidda rabta in ay  wax hoggaamiso waa in ay ku talogashaa in ay u hub sameysato, waa in ay ku talogashaa in wixii wax looga dhageysan lahaa laga helaa, waxaan halkaan ku soo koobayaa astaamaha hogaamiyaha;

  1. Aragti: waxay leeyihiin aragti cad oo ku aadan mesha ay u socdaan iyo waxa ay rabaan in ay gaaraan.

  2. Kalsooni:

  3. Go’aan: go’aanku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha qofka nolashiisa hormarin kara, dibna u dhigi kara, hoggaamiyuhu haduusan go’aan gaari karin waxna ka tagi karin waxna qaadan karin wuxuu noqonaya qof wax loo yeeriyo.

  4. Dareen :

  5. Dulqaad :

  6. Adkeysi: waa in uusan ahayn qof fool nugul oo markii xaaladdu ku adkaato ama wax yar soo wajahaanba is dhiibaya.

  7. Qof dadka wax u gudbin kara, la hadli kara, waxna u sheegi kara, in dadku wax ka qaadan karaan macnaheedu waxaa weye in dadku dareemo in aad galgacal u heyso iyo in qaab fiican oo nadiif ah aad wax ugu gudbineyso.

  8. Dhanka wanaagsan wax ka fisha , markasta dhanka wanaagsan u fakara.

  9. Daacadnimo: hoggaamiyaha wanaagsan iskuma dayo in uu mar kasta saxnaado laakiin wuxuu isku dayaa in uu markasta nadiif ahaado oo aan lagu xaman tuugnimo, boob iyo in uu kala garan waayo hantidiisa gaar ahaaneed iyo tan umadda.

  10. Balanqaad: hoggaamiyuhu haddu balanqaad u sameeyo dadka uu hoggaaminaayo waa in uu siday tahay u fuliyaa, waad aragteen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya oo markii ay tartamayaan ama xil u ordayaan dhaha biyaha baddan macaan ka dhigeynaa markii meshay u socdeen gaaraana aan dib u eegin.

  11. Masuuliyadiisa qaata: hoggaamiyuhu kama baqo in uu masuuliyadiisa dhabarka u rito hadduu khalad ku dhaco ama guul darreysto, dhib maleh inta khaladku ama guul darradu le’egtahay waxaaa muhiim ah in masuuliyadeeda hoggaamiyuhu dhabarka u rito.

Hoggaan xumo marka aan maqlo waxaa niyadayda ku soo dhaca hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waayo muddo rubuc qarni ah baan waxaan haynaa waddo musiibo ah, dhiig ku daatay, naf iyo maalba lagu waayey, waddo rag jeexay oo marey sababta aan wadadaas uga leexan weynay, dhibka, dagaalka iyo burburka aan uga bixi weynay waxaan u aaneynayaa hoggaan xumo.

Maantay oo aan maqaalkan gacanta ku haayo dalka waxaa ka dhacaya dagaalo sokeeye oo hor leh, nafba la goynayaa, dhiig baa la daadinayaa, maatadii iyo caruurtii ayaa la qaxinayaa, quruxdii wadanka iyo magaalooyinka ayaa la burburin oo lagu cayaarayaa sabab la’aan iyadana waxaan u aaneynayaa hoggaan xumada dalka ka jirta.

Abwaan Cali Axmed Raabi (Seenyo) wuxuu yiri “qoon hoggaan xun iyo qoys hooyo xun midna ma hana qaado”

Abwaan Gamaadiid asna wuxuu leeyahay “madaxdii silani waa kud iyo sariyo caaduun”

Sumadaha hoggaanka xun

  1. Aan talo wadaag ahayn: hoggaanka xumi talada dadka uu hoggaaminayo wax kama siiyo markastana wuxuu u heystaa tiisu in ay saxan tahay.

  2. Cabsi galin ama argagax galin: ma jiro qof fikirkiisa si xor ah u cabbiri kara, waa waxa mantay Soomaaliya ka jira, waxaad maqleysaa qofba shaley Hadley oo arrin taagneyd wax ka yiri maantayna madaxa lagu dhuftay.

  3. Wax qabad la’aan: ma jiro qof 100% dhameystiran oo sidii la rabey ah. Laakiin kuwa caadeystay fashilka hoggaamiye lama oran karo, waa halka Soomaalidu ka tiraahdo “meesha kama tage waxna kama tare”.

  4. Waa qof naftiisa ku mashquulsan iyo inta ku xeeran: qofka hoggaamiyaha ah wuxuu hoggaamiya umadda waa in uu dantooda ku heelanyahay, danta shaqsiyadeedkana ay ka horeysaa danta guud.

  5. Xisaabtan la’aan: waad aragtaan Soomaaliya, waxaad maqleysaa waxbaa la dhacay hantidii qaranka la dhunsaday ma jiro hoggaamiye ka jawaabi kara eedaymahaas oo banaan iska dhigi kara.

  6. Aragti la’aan: waa qof aan wax aragti ah ama hiigsi ah lahayn, ma jirto meel uu ka yimid iyo meel uu u socdo toona, waa hawtal hamag.

Hoggaankii Soomaliya ila 1960-kii

Nin boqor ahaa ayaa dadka uu boqorka u ahaa cabiidin jirey wuu ku  dul socon jirey, muddo kadib boqorkii waqtigiisi ayaa yimid asagoo xanuunsanaya ayuu wiilkiisii oo dhaxalka sugayey u yeerey wuxuuna yiri “dadka cafis ii soo weydii,” wiilkii ayaa yiri “Aabe anaa kaa balan qaaday in ay kuu soo ducaynayaan waxba cafis ha weydiisan,” odaygii waa dhintay xukunkiina wiilkii ayaa la wareegay, dadku waxay sugayeen hoggaan wanaagsan  laakiin wiilki wuxuu yiri “aabe waa idin ku dul socon jirey oo kaliya, anigu waan idin ku dul soconayaa, kabahana qodbo (musbaaro) ayaan galinayaa si ay qodbuhu idin mudaan.”

Dadkii waxay ku noqotay kud ka guur oo qanje u guur iyo in la yiraahdo odaygii ayaa fiicna, tusaalahan waxaan u soo qaadanaya hoggaamiyeyaashii Soomaaliya, laga soo bilaabo 1960-kii markii aan xoriyada qaadaney, maamulo ayaa is badalayey, madax cusub ayaa imaanayey, midkastana dadku hoggaamintiisa waa dhaliilayeen waxayna lahayeen Allow mid ka wanaagsan

1960-kii markii calanka xoriyada la taagey dadka qaar waa la dhacsanaayeen, qaar kalena waa ka soo horjeedeen oo waxay diidanaayeen maamulka oo ay la haayeen dadka ma matali karo . Soomaalidu waxay ahaayeen dad suuganta aad wax ugu fahma, waxay rabaaan in ay ka hadlaana qaab suugaaneed ku soo bandhiga, rag baa gabayo tiriyey oo ay leeyihiin gumeysigii cadaa un baa tagaye waxba isma badalin waxaana ka mid ahaa nin la oran jirey Guhaad Cabdi Gaheyr wuxuuna yiri;

Good iyo abees baa is badaley garana meysaan

Goreygii ilmihii buu ka tagey guumiska ahaa

Gucundhooyin baa aasan iyo mici gamaarey

Karal kaama guurine halkanuu guud madowyahay

Aadan cadde baa qabsaday markii waqtigiisi dhammaaday doorashadiina lagaga guuuleystay ayaa nin Qaasim la yiraahdo gabey tiriyey wuxuuna yiri;

Nasiib baanu leenahay haddan Aadan soo noqon

Nuux nuuxsigii ina catoosh nugul ka soo doog

Wuxuu nacala qabihii na baday waan ka noolnahay

Markii Cabdirashiid sharmaake qabsaday hoggaanka dalka nin baa wuxuu ka jawaabey gabeygii Guhaad tiriyey wuxuuna yiri;

Isma doorin gaalkan direy iyo daarta kii galey

Dusha midabka soomaali baad dugulka mooda

Misna laguma diirsadee qalbigu waa dirkii Karal

Dowladdii kacaanka ayaa qabsatey Cabdullahi Suldaan Timocadde ayaaa markaas gabey tiriyey waxaana ka mid ahaa gabeygiisii;

Sagaalkii sanadood sifo dowladdeed iyo sawirkeedba ma ooline calanku waa iska surnaa.

Mar kale buu ku soo laabtay oo yiri;

Inagoo duldulaano dayaxeen dhici gaaro baa ciidanku u danqadeeno dabo yaaqo ku gaareen dirqi wiil ku dhashoo daa’in waa mahadiis.

Ciidanku 21 sanadood bey heysteen awooda dalka wax wanaagsan oo la taaban karana waa ay qabteen waxna waa haleeyeen, marka anigu wax qabadkii dowladdihii is badbadalayey kama hadlaayo  laakiin waxaan tusaaleynayaa hoggaamintooda iyo qaabkii ay wax u maamulayeen, sidii dadku ugu qanacsanaa iyo mid kasta oo markaas joogta in la dhahaayey tii saxda ahayd maahan. Halkaas waxaad ka dareemi kartaa ilaa 1960-kii in aysan dadku helin hogaamiyihii saxda ahaa oo lagu qanacsanyahay inkasta oo aan Bini-Aadam la qancin karin.

Wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii Soomaaliyeed waxaan ku magacaabayaa taariikhda madow, Soomaalidiina waxay noqotay shini hoggaamiyihii laga qabtay, waa la isku dhexyaacay, meel ay ku socoto iyo meel ay ka socoto ayaa la garan waayey. Hoggaamiyeyaal la carab baabi karo oo soo baxayna ma jiraan, waxaa soo baxay dad, hoggaamiyeyaal aan wadaniyad lahayn, calooshooda u shaqeystayaal ah, waxaa dadka u taliya oo hogaamiya qoriga caaradiisa iyo hadba ninkii awood leh.

Su’aasha aan is weydiinta mudan ayaa waxay tahay hoggaankii Soomaaliya ma lagu hungoobey?

Anigu aragti ahaan waxaan qabaa waa lagu hungoobey, waana sababeeyey oo ilaa 1960-kii baan ka soo Hadley, adigase falcelintaadu waa xagaaga.

Ugu dambeyntii waxaan talo u jeedinayaa dhalinyarada Soomaaliyeed oo jecel in ay hoggaamiyeyaal noqdaan, han siyaasadeed xambaarsan, jecel dalka iyo dadka in ay u adeegaan adigoo aan siyaasi ahayn baa umadda loo adeegi karaaye, ninkii oday ah waqtigiisu waa gabaabsi, waa qorax sii dhaceysa, dalka iyo dadka cidda la rabo in ay wax ka badalaan, hoggaamiyaan waa dhalinyarada. Dhalinyaro saameyn leh oo dalka hoggaamin kara waxaa lagu noqon karaa in wax la barto, la isku tashado, Alle dartiisa iyo Soomaalinimo la isku jeclaado, diintii iyo dhaqankiina loo laabto.

qoraa-ciiro

Qoraaga waa Cabdiraxmaan Axmed Daahir oo loo yaqaan (Ciiro)

Cabdiraxmaan Axmed Daahir (Ciiro) waa nin dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed oo hadda ku guda jira waxbarashadiisa sare, wuxuu heerka kowaad ka dhigtaa cilmiga dhaqaalaha (Economics), jaamacada Bugema University ee dalka Uganda. Ciiro waa qoraa qora maqaalada iyadoo maqaalo hore oo uu qoray lagu daabacay warsidaha Puntland Mirror.

Waxaad kala xiriiri kartaa Email: Dirirdx2@gmail.com

____________________________________________________________

Fikradaha lagu xusay maqaalkan waxay gaar u yihiin qoraaga sina loolama xiriirin karo hab qoraaleedka Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*