Hoggaamiyihii hore ee Cuba Fidel Castro oo geeriyooday isaga oo 90 jir ah

Fidel Castro, madaxweynihii hore ee dalka Cuba. [Sawirka: Archive]
Fidel Castro, madaxweynihii hore ee dalka Cuba. [Sawirka: Archive]
Havana-(Puntland Mirror) Fidel Castro, madaxweynihii hore ee kacaankii shuuciga ahaa ee dalka Cuba ayaa geeriyooday isaga oo jiray 90-sanno, sida uu sheegay walalkiis.

Hoggaamiyihii shuuciga ahaa ayaa geeriyooday maanta oo Sabti ah, sida uu taleefishinka dowladda ka sheegay madaxweynaha Cuba Raul Castro oo ay walaalo ahaayeen Fidel Castro.

Fidel Castro, ayaa xukumayay dalka Cuba muddo ku dhow 50-sanno, iyadoo 2008-dii uu walaakiis Raul Castro xilka kala wareegay.

Taarikhdii Fidel Castro

Fidel Castro wuxuu aad u jeclaa cabida sigaarka. [Sawirka: AP Archive]
Fidel Castro wuxuu aad u jeclaa cabida sigaarka. [Sawirka: AP Archive]

Magaciisa oo buuxa waxa uu ahaa Fidel Alejandro Castro Ruz. Wuxuu dhashay sannadkii 1926-kii bishii sideedaad. Wuxuu ku dhasahy magaalada la yidhaa Las Manacas. Aabihii oo la odhan jiray Angel Castro wuxuu lahaa beer weyn oo laga beero aalaha amma sonkor khaanka( sugar cane) oo ahayd 23 kun oo Higtar.

Fidel wuxuu ku dhashay gobol sabool ah kamay jirin waxbarasho, adeeg caafimaad iyo mid shaqo. Laakiin Fidel wuxuu noqday shakhsi nasiib leh. Aabihii Angel Castro wuxuu ka soo tahriibay dalka isbayn sannadkii 1905-kii. Wax aqoon ahna muu lahayn. Xitaa magaciisa muu qori jirin. Laakiin dedaal badan ka dib wuxuu noqday nin hanti badan leh.

Fidel hooyadii waxa la oran jiray Lina. Waxay walaalo yihiin toddoba caruur ah oo kala ah: Angela, Romon, Fidel, Juan, Raul, Emma iyo Augustina. Fidel waxa dugsiga lagu daray isagoo afar sanno jiray. Yaraantiisi wuxuu ahaa arday qalqaali ah, oo dagaal fara badan. Sannadkii 1942-kii ayuu galay dugsiga sare oo la yidhaa Jesuit school oo ku yaal caasimada kuuba ee Havana. Maadaama ku soo baraaray beeraley rabashad badan waxa loogu yeedhi arday jabhadeed.

Wuxuu jaamacada ka baranayey sharciga. Sannadkii1945-kii oo ahayd wakhtigii uu jaamacada ku jiray wuxuu aad uga doodi jiray siyaasada. Sannadkii 1947-kii wuxuu ku biiray koox ka koobnayd 1200 oo hubaysan kuwaasi oo ku kacsanaa dalka Dominican. Laakiin markii dambe wuu ka baxay.

Sannadkii 1948-kii wuxuu guursaday Mirta Balart, waxay ahayd ardayad dhigta Jaamacada Havana. Sannadkii 1949-kii waxa u dhashay ilmihii ugu horeeyey, oo loo bixiyey Fidelito.

Sannadkii 1950-kii ayuu ka qalin jabiyey jaamacadii. Ka dib wuxuu bilaabay inuu taageero dadka masaakiinta ah ee dalka kuuba.

Dawladii wakhtigaasi dalka ka talinaysay ayaa noqotay mid musuqmaasuq badan. Waxaana hogaamiye ka ahaa dalka Madaxweyne Batista. Fidel ayaa jeelka loo taxaabay.

Sannadkii 1953-kii ayuu Fidel iyo 100 dagaalyahan weerareen magaallo ku taalla Kuuba, ka dib ciidankii kuuba ayaa cagta mariyey weerarkii lagu soo qaaday, Fidel Castro waa la qabtay. Jeelka ayaa loo taxaabay, waxaana loo mastaafuriyey dalka Mexico. Sannadkii 1955-kii ayuu dalka Mexico ka sameeyey koox kacaan ah.

Sannadkii 1957-kii wuxuu soo qaaday weeraro ku-dhufo-ka dhaqaaq ah, oo uu kaga soo horjeeday Madaxweyne Batista.

Sannadkii 1957-kii ayuu dalka Kuuba inqilaabay, waxaana la shaqaynayey koox saraakiil sare ah oo ciidamada ka tirsan. Wuxuu ahaa inqilaab aan dhiig ku daadan.

Sannadkii 1960-kii ayuu Fidel Castro la kulmay Madaxweynihii Midowga Soofidka ee la odhan jiray Khrushchev. Intaasi ka dib wuxuu xidhiidh dhaw la yeeshay Midowgii Soofiyadka. Isla sannadaasi ayuu Maraykanku cunoqabatayn ku soo rogay.

Sannadkii 1961-kii ayuu Fidel si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu shuuciyada aaminsan yahay.

Sannadihii 1965 ilaa 1979 Fidel wuxuu ku mashquulsanaa sidii uu shuuciyada ugu fidin lahaa dalal ka tirsan qaarada afrika.

Sannadkii 2006 ilaa 2008-dii ayuu Fidel Castro wareejiyey xilal badan oo u hayey. Sida Madaxweynaha golaha qaranka, guddoomiyaha golaha wasiirada, xoghayaha kowaad ee xisbiga shuuciga, taliyaha guud ee ciidanka, wuxuu ku wareejiyey walaalkii Raul Castro. Sababta ayaa lagu sheegay inuu xanuun weyni ka hayay caloosha iyo mindhicirka mana awoodi uu awoodi karin inuu xilalkan sii hayn karo.

Dabayaaqadii 2008-dii ayuu Fidel Castro noqday hawlgab waxaana uu ku jiray dhakhtar lagu dawaynayay.

Sannadkii 2010-kii ayey ahayd markii ugu horaysay ee muuqisa la arko Fidel Castro, isagoo laga waraysanayo Tilifiishan.

Sannadkii 2011-kii ayuu si rasmi ah isaga casilay hogaamiyihii xisbiga shuuciga ee waxaana qabtay walaalkii Raul Castro.

Waxa uu ka badbaaday ilaa iyo 8 isku-day dil ah oo ay qorsheeyeen CIA-da Maraykanka.

Dadka Soomaalida waxa ay ku xasuusan doonaan Fidel Castro gacantii uu u fidiyay dalka Itoobiya dagaalkii 1977-dii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo taageero balaaran siiyay Itoobiya si ay gacanta ugu dhigi lahaayeen goblada Ogaadeeniya ee ay ilaa maanta haystaan.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*