Hoggaamiyaha ugu sareeya Iran oo sheegay in Mareykanku uu riixayo Sucuudiga si uu uga hortago Iran

Hoggaamiyaha ugu sareeya Iran Ayatollah Ali Khamenei. [Lahaanshaha Sawirka: AP]
Tehran-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaha ugu sareeya Iran ayaa Mareykanka ku eedeeyay in uu isku dayayo in uu dab ku shido dhibbaatooyinka gobolka isaga oo ku boorinaya saaxiibkiisa Sucuudi Caraabiya in uu kahor tago Tehran.

Hadal uu baahiyay taleefishinka dowladda, Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku ceshay Isniintii in Mareykanka uu faraha kala baxo Bariga Dhexe isagoona sheegay in cid kasta oo dooneysa in ay dhibbaateyso Iran laga adkaan doono.

“Qaababka looga hortagayo Iran waxaa kamid ah in la booriyo hoggaamiyaasha aan khibrada lahayn ee gobolka,” Khamenei ayaa sidaa yiri, taasoo u muuqata in uu u la jeedo Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga ee Maxamed Salmaan, oo 32-sanno jir ah.

“Mareykanku wuxuu isku dayayaa in uu ku booriyo Sucuudiga in ay ka hortagaan Tehran… ujedkoodu waaa in ay gobolka ka abuuraan dhibbaatooyin badan… si Muslimiinta ay ugu khasbaan in ay iska soo horjeestaan.”

“Haddii dowladahaan ay heli lahaayeen caqli badan, kama aysan hor imaadeen Iran, haddii ay ka horyimaadaan Iran, waa laga adkaan doonaa.”

Khamenei wuxuu sheegay in Iran aysan dooneynin in ay xaddiddo saameynta ay ku leedahay Bariga Dhexe. “Maraykanku waa kuwa ka baxaya… Bariga Dhexe, Galbeedka Aasiya iyo Gacanka Bari Persian waa gurigeenna.” ayuu sii raacshay.

Iran iyo Sucuudiga ayaa lahaa dagaal sokeeye muddo dheer, iyaga oo ku tartamaya maamulka gobolka laga bilaabo Ciraaq iyo Suuriya, iyo Lubnaan iyo Yeman. Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si xoogan u taageeray Sacuudi Carabiya dadaalkeeda ku wajahan ka hortaga Iran.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*