Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Cabdikariim Guuleed oo xilkii ka qaaday wasiirkii arrimaha gudaha

Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Cabdikariim Guuleed oo xilkii ka qaaday wasiirkii arrimaha gudaha. [Sawirka: Archive]
Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Cabdikariim Guuleed oo xilkii ka qaaday wasiirkii arrimaha gudaha. [Sawirka: Archive]
Cadaado-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa xilkii ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha Jaamac Xasan Salaad, sida ay sheegayso digreeto kasoo baxday madaxtooyada Galmudug oo uu arkay warsidaha Puntland Mirror.

Guuleed ayaa Maxamed Xayir Nuur u doortay in uu noqdo wasiirka cusub ee arrimaha gudaha maamul goboleedka aadka u yar ee Soomaaliyeed.

Asbuucii lasoo dhaafay, xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa xilka ka qaaday Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyaga oo ku eedeeyay xil gudasho la’aan, balse waa uu diiday in uu aqbalo xil ka qaadistaas.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*