Hoggaamiyaha Khaatumo oo tagay magaalada Burco

Cali Khaliif Galayr ayaa loo doortay madaxweynihii u horeeyay ee Khaatumo bartamihii sanadkii 2012-kii. [Sawirka: Archive]
Cali Khaliif Galayr ayaa loo doortay madaxweynihii u horeeyay ee Khaatumo bartamihii sanadkii 2012-kii. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo ayaa tagay magaalada Burco ee Somaliland, waqooyiga Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo.

Cali Khaliif Galayr iyo xubno katirsan maamulkiisa ayaa gaaray magaalada Burco habeenimadii Axada, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Safarka madaxweynaha Khaatumo ayaa imaanaya maalin kadib markii maleeshiyo maxali ah ay Cali Khaliif ku xanibeen garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle ee gobolka Ceyn.

Cali Khaliif ayaa rabay in uu u safro dalka Jabuuti si uu uga qaybgalo kulan u dhaxeeya maamulkiisa iyo Somaliland, balse maleeshiyada ayaa qaadacday kulankaas.

Bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, Khaatumo iyo Somaliland ayaa heshiis ku gaaray gudaha caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Khaatumo ayaa la sameeyay sanadkii 2012-kii, balse wali looma aqoonsan dowlad goboleed.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*