Hoggaamiyaasha wadamada deriska ah oo yimid Muqdisho si ay uga qaybgalaan caleemo-saarka Madaxweyne Farmaajo

Raysulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Raysulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaasha dowladaha deriska la ah dalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco soo gaaray caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si ay uga qaybgalaan caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Raysulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa goor dhoweyd tagay magaalada Muqdisho, sida ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Marti sharaf kale oo badan oo ka kala yimid caalamka ayaa ka qaybgalaya munaasabada caleemo-saarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhacaysa goobta la dhaho Afisyoone ee gudaha Muqdisho, halkaas oo baarlamaanka Soomaaliya ay Farmaajo ugu doorteen Madaxweynaha dalka labo asbuuc kahor.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*