Hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya oo isku afgartay in doorashooyinka dalka dib loo dhigo ilaa labo bilood

Forum
Shirka madasha qaran ee u dhaxeeya hoggaamiyaasha siyaasada Soomaalida.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya ayaa heshiis hor u dhac ah ku gaaray in doorashooyinka dalka dib loo dhigo ilaa iyo laba bilood.

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga VOA ayaa sheegay in qiyaastii labo bilood ay qaadanayso wakhtiga dib loo dhigayo doorashooyinka.

shirka madasha oo u dhaxeeya madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa la filayaa inuu ilaa maanta soo gababgaboobo.

Dhawaan ayay ahayd markii ilo-wareed diblomaasi oo lagu kalsoonaan karo ay warsidaha Puntland Mirror u sheegeen in doorashooyinka dalka ay dib u dhacayaan ilaa iyo dabayaaqada sanadkan 2016.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*