Heshiiska Kalluumaysiga Soomaaliya: Gaari-faraska oo laga hormariyey Faraska. [Sawirka: Puntland Mirror]
Heshiska ku meelgaarka ah ee ku saabsan bixinta ruqsadaha kalluumaysiga ee Tuunada iyo noocyada Tuunada la mid ka ah ee dhowaan ay isla gaareen Dowladda Federaalka Somaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu soo waramayaa in uu burburayo. Warar ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Somaaliya ay kala dhantaashay oo joojisey kulan la qorsheynayey in lagu dhamaystiro heshiiska oo ka dhici lahaa dalka Seychelles. Eedaynta iyo far-iskutaaga ka dhalatay burburka ku yimid kulankii loo balansanaa ayaa laga maqlayaa xarumaha rasmiga ah ee awooda, gaar ahaan Muqdisho iyo Garoowe. Warsidaha Puntland Mirror ayaa si dhow u eegaya heshiiska, isjiidjiidka iyo waxyaabaha la isku diidan yahay.

Heshiiska Ku-meel-gaarka ah

Heshiiska ku-meel-gaarka ah waxa uu si kooban u dhigayaa habka codsiga iyo bixinta ruqsadaha Kalluumaysiga nooca Tuunada. Waxaa uu qorayaa in la sameeyo Guddi Qaran oo qaabilsan ruqsad bixinta Kalluumaysiga oo ka kooban Wasiirada Kalluumaysiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Wuxuu kale oo heshiisku dhigayaa in Xuduudda Gaarka ee Ganacsi ee baddeena loo qaybiyo laba qaybood oo kala ah; laga bilaabo cabirka 50nm ilaa 200nm in loo qoondeeyo Kalluumaysiga Ajaaniibta oo la hoosgeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo cabirka laga bilaabo xeebta ilaa 50nm in ay hoostimaado  Dowlad Goboleedyada. Heshiiska ayaa waxaa ka mid ah sameynta hal akoon oo lagu shubo  ama lagu ururiyo  dakhliga ka soo xerooda ruqsadaha Kalluumaysiga oo ku yaala Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo xog-kaydin (database) lagala soconayo lagana ilaalinayo ruqsad-bixinada iyo dakhliga soo xerooda.

Heshiiska waxaa lagu qiray in uusan jirin sharci Kalluumaysi oo heer Federaal iyo hay’ad hawshaas qaabilsan toona. Heshiisku wuxuu asaaska u dhigay in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ku wada shaqeeyaan hab dhaqan cusub oo Federaalka  ah oo ku salaysan wadatashi, tanaasul iyo wadashaqayn. Tani waxay soo afjaraysaa nidaamkii hore ee Dowladda dhexe ee ku salaysnaa gooni go’aan u gaaris aan tashi lahayn, madax-adayg iyo awood-marooqsi. Heshiiskani wuxuu xoojinayaa kaalinta muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada, in Dowladda Dhexe ay weydiisato ogolaanshahooda iyo wadashaqayntooda si horey loogu dhaqaajiyo howlaha dowlad dhisida.

Inkastoo tanaasulo ay sameeyeen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si ay wax uun ugu heshiiyaan, heshiiska ayaa waxa uu marada ka rogayaa in ay jirto is-aaminaad la’aan qoto dheer oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Is-aaminaad la’aanta ayaa laga dheehan karaa qodobo badan oo ku dhex jira heshiiska oo uu ka mid yahay qodobka dhigaya in loo baahan yahay ogolaanshaha dhamaan xubanaha guddiga si loo bixiyo ruqsad.

Heshiiskani waa mid aan tayo fiicnayn oo aan si nidaamsan loo qorin, si kasta oo ula-jeedooyin wanaagsan looga lahaa, haddana khubaro badani waxay u arkeen mid aan si cilmiyeysan oo horumarsan loo qorin watana dhibaatooyin xun oo qarsoon. Mudane Maxamed Faarax, waa khabiir dhanka badda iyo kalluumaysiga oo fadhigiisu yahay magaalada Garoowe,  waxa uu ku tilmaamay heshiiska sida shirqool khiyaano ah oo loogu talogalay in lagu siiyo boqolaal ruqsado ah  doonyaha kalluumaysiga qarsoodiga ah ee laga leeyahay dalal ajnabi ah si looga urursado dhaqaale. Waxa uu yiri, “Heshiisku ma qorayo wax kale oo aan ka ahayn kalluumaysiga gaar ahaan nooca Tuunada. Waxba kama qorayo in la sameeyo lana dejiyo asaaska howlaha aadka u muhiimka ah ee sharciyeynta kalluumaysiga, xafidida iyo badbaadinta kalluunka, kormeerka iyo ilaalinta xeebaha. Xitaa waxaa dib loo dhigay arrinta murugsan ee la xiriirta qeybsiga dakhliga u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada wakhti dambe oo aan la garaneyn xilliga uu yahay.

Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada waa inay ka wada hadlaan ayna iska kaashadaan sidii loo dhisi lahaa ciidan  isku dhaf ah oo wax tar leh oo badaheena ka ilaaliya kalluumaysiga sharci darada ah iyo ku qubida kiimakada sharci darada ah. Waa in ay ku dhiirigeliyaan shacabka Soomaaliyeed inay samaystaan shirkado Soomaaliyeed oo kalluumaysiga iyo danwadaagyo oo ayna u ololeeyaan sidii loogu heli lahaa kallluunkeena suuq caalami ah. 

Daciifnimada kale ee nidaamkan ayaa laga dheehan kartaa shaxda labada bog ah ee loogu talogalay in lagu codsado ruqsada. Labadaas bog ma koobi kartaan dhammaan waxyaabaha looga baahanyahay codsadaha si loo baaro inuu ku haboon yahay una qalmo in ruqsad la siiyo sida macluumaadka lagama maarmaanka ah ee shirkada, dhaqaalaheeda, bangiyadeeda, iyo in ay shirkadu haysato shahaado la xiriirta in si sharci ah oo anshax iyo damiir leh ay tuunada uga kalluumaysato. Heshiiska ayaan sidoo kale dhigayn in doonyaha ajnabiga ah marka kowaad laga diiwaan geliyo diiwaanka doonyaha Soomaaliya si loo kormeero loona ansixiyo. Mudane Faarax ayaa si jeesjees leh  hadalkiisii u raaciyey “Labo maalmood oo loo qabtay in hawsha jawaabta ansixinta ama diidmada codsiga ay Dowlad Goboleedyada ku soo bixiyaan xaqiiqo ahaantii waa waqti aad u yar oo aan fursad iyo wakhti u siinayn in ay darsaan codsiga ayna su’aalo ka dhiibtaan.

Mudane Faarax waxa uu yiri, “Waxaa si gaar ah welwel uga qabaa cabirka soonaha ruqsad bixinta oo u dhaxeeya 50nm iyo 200nm. Waxaan soo jeedin lahaa in 50nm ee soonaha Dowlad Goboleedyada laga dhigo 75nm ama 100nm. 75nm ayaa noqon kara aag difaac laga ilaaliyo noolayaasha sii yaraanaya ee qiimaha weyn u leh xeebaheena iyo kalluumaysateena sida  aaragoosatada ku nool biyaha dhow, libaax-badeedka iyo noocyada kale iyo in sidoo kale la dhiirigeliyo kocoba dhaqaale ee shirkadaha maxaliga.

Arrinta kale ee anfariirka leh ee heshiisku qorayo ayaa la xiririta sameynta Guddiga Qaran oo bixinaya shatiyada kalluumaysiga xeebaha. Guddiga ayaa waxaa uu ka kooban yahay Wasiirada Kalluumaysiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Mudane Faarax ayaa yiri, “waa arrin aad u yaab leh in la dhiso guddi ka kooban Wasiiro ku kala yaacsan gobolada si ay u bixiyaan shatiyada ama ruqsadaha kalluumaysiga. Ruqsad bixintu waa hawl farsamo oo u baahan wada-shaqaynta iyo wada-joogitaanka xubnaha guddiga si ay u qiimeeyaan codsiyada. Waa dhaleeceyn sax ah oo dad badan ay isku raaceen. Mudane Faarax ayaa soo jeediyay in guddigu ahaado mid farsamo oo ka kooban khuburo baddaha oo ka socda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo ka howlgala hal goob ah, isaga oo door bidi lahaa magaalo xeebeedka Boosaaso. Marka guddigu uu helo uuna daraasadeeyo codsiga shatiga, waxay amar ku qabaan in ay taladooda u bandhigaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo ansixiyo dabadeedna loo bixiyo shatiga.

Mudane Faarax ayaa aaminsan in guddiga uu fadhigiisu noqdo magaalo xeebeedka Boosaaso ay faa’iidooyin badan leedahay. Boosaaso waa magaalo kalluumaysi oo mashquul ah, leh isgaarsiin casri ah iyo gaadiidka badda. Waxay saaran tahay Gacanka Cadmeed, sidoo kale waxay u dhow dahay Raas Casayr iyo Badweynta Hindiya. Boosaaso sidoo kale waa saldhigga ciidamada Badda ee ugu horumarsan Soomaaliya, ciidankaas oo shaki la’aan mustaqbalka noqon doona lafdhabarta iyo saldhiga ciidamada badda ee Soomaaliya.

Isjiidjiidka: Habka Shati Bixinta Kalluumaysiga Maxaliga ah iyo Kan Ajnabiga

Kalluunka Tuna oo ku jira shabaakad lagu dhex qabtay. [Sawirka: Archive]

Habka hadda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan shatiga kalluumaysiga ayaa khuburadu u aragtaa sida mid ku xasuusinaya nidaamka dowlad dhexe oo kaligii talis ah oo awoodu hal meel ku urursan tahay. Habka Federaalka, oo u oggolaanaya Dowlad Goboleedyada in ay codsiga nidaamiyaan, ruqsadahana bixin karaan, ayaa loo arkaa in uu wax kasta kaga haboon yahay Federaalka Soomaaliya.  Tusaalaha ugu fiican waa habka Canada kaas oo gobol kasta loo oggolyahay awoodna u leeyahay in uu bixiyo damaanada ruqsadaha kalluumaysiga. Tusaalaha kale waa Boqortooyada Ingiriiska (UK) halkaas oo awoodaha dowladdaha hoos loo daadejiyey sida dowladda Scotland ay awood u leedahay bixinta shatiga doonyaha kalluumaysiga.

Habkan ayaa awood u siinaya Dowlad Goboleedyada ilaalinta, maamulida, difaacida iyo dhowrida khayraadka badda ee ku jira xuduudahooda haddana u fududayn doona qaybsiga dakhliga u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Waxaa kale oo ay u badan tahay in habkani meesha ka saaro is-aaminid la’aanta iyo loolanka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Qodobada La Isku Haysto: Qaabka Dakhli Qaybsashada iyo Maqnaanshaha Soomaaliland

Dakhliga kasoo baxaya kalluumaysiga. [Sawirka: Archive]

Wadaaga ama qaybsashada dakhliga waa caqabada ugu adag ee hortaagan in heshiiska kalluumaysiga la dhameeyo, wuxuu kale oo caqab ku yahay in heshiiis laga gaaro qaybsiga ama wadaaga khayraadyada kale ee qaranka oo dhan. Khilaafka ayaa u qeybsan labo qeybood; khilaaf ku saabsan saami wadareedka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo muran u dhaxeeya Dowlad Goboleedyada oo la xiriira saamiga mid kastaa goonida xaqa ugu helayo. Dowladda Puntland waxay soo jeedisay in saami dakhliyeedka ay leedahay Dowlad Goboleed kasta lagu saleeyo ama uu la mid noqdo saamiga dhererka xeebaheeda. Mudane Faarax ayaa yiri, “Waxay ahayd khalad cad in la dejiyo heshiiska si ruqsad loo siiyo doonyaha kalluumaaysiga ajaaniibta iyadoo marka hore si cad aan loo jaangoyn qiimaha shatiyada, oo aana la isku raacin qaabka dakhli wadaaga ama dakhli qaysasahda.

Waxaa la sheegay in Puntland ay codsatay saami weyn oo dakhli ah maadaama ilaa iyo saddex meelood hal meel xeebta Soomaaliya ay ku taalo xuduudaheeda. Mudane Faraax waxa uu aaminsanyahay in Puntland aan lagu dhaleecayn karin in ay dalbato saami weyn oo dakhli ah. Waxa uu tilmaamay in, sida laga soo xigtay Hay’ada FAO, wax-soo-saarka kalluunka sanadlaha oo dhamaa 19,546 ton sanadkii 1987 oo ahaa sanadkii ugu dambeeyay ee la diiwaan gashay – uu ku dhowaad kala bar (half) ahaa  wax-soo-saarka kalluunka ee deegaanada ay hadda maamusho Dowladda Puntland.

Soomaaliland qayb kama aha heshiiska. Heshiiska wuxuu khuseeyaa dhamaan Xuduudaha Badda ee Ganacsiga oo ay ku jiraan deegaanada uu maamulo Dowladda Soomaaliland.  Waxaa loo baahan in la cadeeyo qodobkan oo weliba hore loo sii wado hawlaha lagu kala calaamadinayo xuduudaha xeebaha Dowlad Goboleedyada.

Heshiiska ku saabsan bixinta ruqsada iyada oo aan kalsooni ka dhex jirin maamulada dalka Soomaaliya iyo iyadoo aan heshiis laga gaarin sida loo maareynayo loona qeybsanayo dakhliga waxa ay la mid tahay in gaari-faraska laga hormariyey faraska.

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up