Hal qof oo shacab ah oo ku dhintay is-rasaasayn dhexmartay ciidamada ammaanka iyo koox daroogada iibisa

Janaraal Muxiyadiin Axmed Muuse, taliyaha ciidamada ammaanka. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Haweenay shacab ah ayaa ku geeriyootay is-rasaasayn dhexmartay ciidamada ammaanka iyo koox daroogada iibisa oo ka dhacay Garoowe xalay, sida uu sheegay taliyaha ciidamada.

Janaraal Muxiyadiin Axmed Muuse, oo ah taliyaha ciidamada ammaanka, ayaa shir saxaafadeed ka sheegay in qofka shacabka ah uu ku dhintay is-rasaasaynta oo saqdii dhexe xalay ka dhacday xaafada Wadajir ee magaalada Garoowe.

Taliyaha ayaa sheegay in rasaasta ay bilaabeen koox daroogada iibisa iyada oo ciidamadu howlgal ka dhan ah maandooriyaha ka fulinayeen halkaas.

Labo katirsan ciidamada ayaa ku dhaawacmay iska-hor imaadkaas, sida uu sheegay Janaraal Muxiyaadin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*