Hal qof oo ku geeriyooday qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxa gaariga ee galabta ka dhacay Muqdisho. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Qarax gaari ayaa galabta oo Axad ah ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa oo ka dhacay isgoyska Sayidka ayaa lagu xiray gaari kaasoo uu ku dhintay hal qof ayna ku dhawacmeen labo qof oo kale.

Gaariga ayaa loo maleynayaa in uu lahaa qof katirsan haayadaha Dowladda.

Ma jirto cid si deg-deg ah u sheegatay masuuliyada qaraxaas, balse argagixisada Al-Shabaab ayaa weeraro kan lamid ah horey uga fuliyay gudaha Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*