Hal qof oo ku dhintay madaafiic looga shaki qabo al-Shabaab oo lagu garaacay magaalada Baydhabo

baydhabo aa
Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, Soomaaliya.

Baydhabo-(Puntland Mirror) Madaafiic loo malaynayo in ay rideen maleeshiyada al-Shabaab ayaa ku dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay sheegeen ciidamada AMISOM iyo booliiska Baydhabo maanta oo Sabti ah.

“Maleeshiyaad looga shaki qabo al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacay saakay deegaan ay daganyihiin dad shacab ah oo kuyaala magaalada Baydhabo,” sidaa waxaa bogooda rasmiga ah ee Twitter-ka ku sheegay AMISOM.

Mid kamid ah madaafiicda ayaa ku dhacay isbitaal sida ay sheegeen AMISOM, balse ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiisha booliiska Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay ayaa sheegay in hal qof oo dumar ah ay ku dhimatay madaafiicda saakay lagu garaacay magaalada, saddex qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Bishii lasoo dhaafay ayaa sidaan oo kale madaafiic lagu garaacay Baydhabo waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex qof, kadib markii madaafiicda ay ku dhaceen gurigooda.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*