Hal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn Mareykanku ka fuliyay Jubbada Dhexe

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland  Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa duqeyn ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay deegaanka Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, sida Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku sheegeen war-saxaafadeed.

Duqeynta oo dhacday Axadii ayaa waxaa ku dhintay hal dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen AFRICOM.

Ma jirto wax shacab ah oo khasaare ka soo gaaray duqeynta, bayaanka oo soo baxay habeenimadii Axada ayaa intaas ku daray.

Waa duqeyntii labaad oo ka dhacda Jilib muddo ka yar asbuuc. 28-kii Janaayo ayaa duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay isla halkaas ku dilay dagaalyahan Al-Shabaab ah.

Duqeynta ayaa noqonyasa tii shanaad oo Mareykanku ka geysto gudaha Soomaaliya sanadkan 2020. Waxaana intooda badan ay ka dhaceen gobolada Jubbooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*