Hal cunug oo ku geeriyooday qarax miinada dhulka ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Miinada dhulka oo lagu sameeyay gudaha Soomaaliya [Photo: Archive]
Miinada dhulka oo lagu sameeyay gudaha Soomaaliya [Photo: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Hal cunug ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax miinada dhulka ah oo ka dhacday xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, sida ay ilo-wareedyo caafimaaad u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Shilka ayaa ka dhacay saakay oo Isniin ahayd magaalada Gaalkacyo, miinada ayaa qaraxday iyadoo caruurtu ay goobta ku ciyaarayeen.

Caruurtii ku dhaawacantay qaraxa ayaa loo qaaday isbitaalka, waxayna ku suganyihiin xaalad caafimaad oo wanaagsan, sida ay saraakiisha caafimaadka sheegeen.

Ma cadda in miinada ay ahayd mid dhow iyo in ay ahayd mid ka hartay dagaalo hore.

Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug asbuucyadii lasoo dhaafay.

Dalka ay dagaaladu halakeeyeen ee Soomaaliya, caruurta ayaa ah kuwa ugu badan oo ku waxyeelooba miinooyinka dhulka iyo walxaha kale ee qarxa. Mana ahan kuwo ku wacyigashan khatarta walxahaas.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*