Hal askari oo Mareykan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay meel u dhow Kismaayo

Hal askari oo Mareykan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay meel u dhow Kismaayo. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Askari Mareykan ah ayaa la dilay afar kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii uu dagaal ku qabsaday gudaha Soomaaliya xilli lagu jiray weerar ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen milatariga Mareykanka.

Weerarka ayaa ka dhacay tuulada Sanguuni oo qiyaastii 50 km dhanka waqooyiga ka xigta magaalo xeebeedka Kismaayo, sida ay sheegeen dadka deegaanku.

Ciidamada Mareykanka ah ayaa ka dhinac dagaalamayay ku dhawaad 800 ciidamo Soomaali ah iyo kuwa Kenyan ah markii lagu soo weeraray madaafiic iyo hubka yar yar.

Hal askari oo kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, sida ay bayaan ku sheegeen milatariga Mareykanku, iyaga oo aan qeexin in askariga uu yahay Soomaali ama katirsanyahay ciidamada Kenya.

Sidoo kale mid kamid ah askarta Mareykanka ee dhaawacanatay ayaan u baahnayn gargaar caafimaad oo dheeraad ah kadib markii lagu daweeyay goobta, saddexda kale iyo ciidamada kale aan Mareykanka ahayn ee dhaawacantay ayaa loo qaaday daaweyn.

Ciidamada ayaa ku jiray howlgal si ay uga sifeeyaan Al-Shabaab deegaano ay maamulaan, sidoo kalena waxay rabeen in ay saldhig dagaal sameystaan marka la soo weeraray, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sidaa ku sheegay bayaan.

“Mareykanku waxa uu la talin, taageero iyo ishaafalatayn dhanka hawada ah bixinayay inta hawlgalku uu socday,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ku dhawaad 500 ciidamo Mareykan ah ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*