Hal askari oo katirsan ciidamadda Puntland oo ku dhintay qarax bumbada dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay Buuraha Galgala

Askar katirsan ciidamadda Puntland oo saaran gaariga loo yaqaan “Cabdi Bile” Buuraha Galgala. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Hal askari oo katirsan ciidamadda Puntland ayaa ku dhintay qarax bumbada dhulka lagu aaso ah oo maanta oo Talaado ah ka dhacay Buuraha Galgala ee gobolka Bari, sida ay sheegeen ilo-wareedyo milatari.

Ilo-wareedka milatari, oo magaciisa qariyay, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in hal askari uu dhintay kadib markii ay miinada dhulka lagu aaso ku qaraxday gaari ciidan deegaanka Sugure ee Buuraha Galgala.

Ugu yaraan labo askari ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa, sida ilo-wareedku sheegay.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.

Ciidamadda Puntland ayaa maleeshiyo ka socda Al-Shabaab kula dagaalamaya Buuraha Galgala.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*