Haayada Xuquuqul Insaanka oo sheegtay in Al-Shabaab ay xoog askar ahaan ugu qoranayaan caruurta

dagaalyahan katirsan Al-Shabaab. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Haayada Xuquuqul Insaanka ee (HRW) ayaa warbixin ay maanta oo Isniin ah soo saartay ku xustay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ugu hanjabayaan dadka deegaanka in ay kala wareegi doonaan caruurtooda si ay ugu biiraan maleeshiyada.

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in haayada HRW ay la hadleen dad Soomaali ah kuwaasoo sheegay in maleeshiyadu ay weydiisteen caruurtooda, gabdho iyo wiilal bilihii lasoo dhaafay si ay u geeyaan xeryaha tababarada ayna u tashkiiliyaan.

“Tan iyo bishii lasoo dhaafay ee September 2017, Al-Shabaab ayaa ku amartay odayaasha, macalimiinta, culima u diinka iyo buslahada reer miyiga ah in ay keenaan boqolaal caruur ah ama ay wajihi doonaan weerar,” HRW ayaa sidaa  ku sheegtay bayaankeeda.

HRW ayaa diiwaangelisay in boqolaal caruur ah ay ka carareen guryahoodii iyaga oo ka cabsi qaba in ay xoog ugu biiraan maleeshiyada hubeysan. Haayada ayaa sidoo kale sheegtay in kumanaan kale oo caruur ah ay Al-Shabaab u qorteen dagaalyahano.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*