Haayada World Vision oo Kulan looga hadlayay dib u eegida siyaasadda ganacsiga yar yar ee heer gobol ku qabatay Garoowe

ka-qaybgalayaasha
Kasoo qaybgalayaasha kulanka. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Haayada World Vision oo kulan looga hadlayay dib u eegida siyaasada ganacsiga yar yar iyo caqabadaha haysta ee heer gobol shalay oo Arbaco ahayd ku qabatay hoolka haayada PDRC ee caasimada Puntland, Garoowe.

Ujeedooyinka kulanka ayaa ku saabsanaa saddexdan qodob.

  1. Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidii loo keeni lahaa xubnaha bulshada ee daneeyayaasha ah si loo sameeyo dib u eegid siyaasadeed iyo casriyaynta heer gobol.

 2. Sidii daneeyayaasha kala duwan ee bulshada ay uga doodi lahaayeen siyaasadaha dib u eegida iyo casriyaynta ee saamaynaya hab nololeedkooda.

3. Sidii ka qaybgalayaasha ay dib u eegid ugu samayn lahaayeen barashada iyo fahanka quseeya hab nololeedkooda.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay saraakiil ka socotay haayada World Vision Garoowe, wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada shaqada iyo shaqaalaha Puntland Cabdirisaaq Shirre Ismaaciil  iyo guddoomiyaasha degmooyinka Eyl, Buurtinle iyo Dangorayo.

Axmed Maxamed Faarax oo loo yaqaan “Jookar” oo ah xiriiriyaha mashruuca fududaynta iyo horumarinta gancsiga yar yar iyo xoojinta hab nololeedka wanaagsan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in kulanka dib loogu eegi doono siyaasada iyo waxyaabaha caqabadaha ku ah ganacsiga yar yar ee ganacsatada degmooyinka gobolka Nugaal.

jookar
Xiriiriyaha mashruuca fududaynta iyo horumarinta gancsiga yar yar iyo xoojinta hab nololeedka wanaagsan, Axmed Maxamed Faarax. [Sawirka: Puntland Mirror]

“Mashruucaan ujeedkiisu waa fududaynta iyo horumarinta ganacsiga yar yar, waxaana halkaan isugu keenay daneeyayaasha arrintaas, oo ay kamidyihiin guddoomiyaasha degmooyinka iyo dadka ganacsiga ku lugta leh six al wadajir ah loo soo wada saaro.” Ayuu yiri Jookar.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada shaqada iyo shaqaalaha Puntland Cabdirisaaq Shirre Ismaaciil oo ka hadlay kulanka ayaa haayda World Vision uga mahadceshay mashruuca lagu kobcinayo ganacsatada yar yar ee gobolka Nugaal.

wasiir
Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada shaqada iyo shaqaalaha Puntland Cabdirisaaq Shirre Ismaaciil. [Sawirka: Puntland Mirror.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Wolrd Vision sida ay mar walba ugu taagantahay u adeegida buslahada Puntland…. Barnaamijkan kulanka dib loogu eegi doono siyaasada iyo waxyaabaha caqabadaha ku ah ganacsiga yar yar waa mid muhiim ah, waxaana kula dardaarmayaa kasoo qaybgalayaasha in ay kulanka kasoo saaraan siyaasad iyo xeer lagu kobcin karo ganacsiga yar yar,” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambayna guddoomiyaasha degmooyinka Eyl, Buurtinle iyo Dangorayo oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in mashruucan degmooyinka uu ka socday ay si wanaagsan uga faa’idaysteen waxayna carabka ku adkeeyeen in waxyaabihii ay ka faa’iidaysteen ay dib ugula laaban doonaan degmooyinkoodii.

Haayada World Vision ayaa Soomaaliya ka howlgalaysay tan iyo 1991-dii, iyadoo xafiiskeeda Puntland furatay 2010-kii. World Vision ayaa fulinaysa “mashruuca gobolka Nugaal ee kor u qaadida hab nololeedka wanaagsan” oo ay maalgelisay Midowga Yurub. Mashruuca ayaa bilaabmay bishii Janaayo 2015-kii waxaana uu dhamaanayaa bisha September 2017-ka, waxaana mashruuca uu ka socdaa shan degmo oo ah, Garoowe, Dangorayo, Eyl, Buurtinle iyo Godob-jiiraan, waxaana mashruuca iska-kaashanaya haayada World Vision iyo wasaaradda dhalinyarada shaqada iyo shaqaalaha dowlada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*