Haayada nabadsugida NISA oo sheegtay in labada beri oo soo socda aan wax hub ah lagu dhex qaadan Karin magaalada Muqdisho

Xarunta haayada NISA.
Xarunta haayada sirdoonka NISA ee Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayada sirdoonka dowlada federaalka Soomaaliya ee NISA ayaa maanta oo Axad ah soo saartay fariimo digniin ah taasoo ay ku sheegayaan in qof aan NISA ahayn iyo ciidamada booliiska Soomaaliya oo amaanka magaalada sugaya aan loo ogolaan doonin in ay hub noocuu doono ha ahaadee aysan ku dhex qaadan Karin magaalada Muqdisho labada bari oo socda.

Fariintan ayaa si weyn u qusaysa shirkadaha amaanka kuwaasoo leh ciidamo amaan oo gaar ah.

NISA ayaa sheegtay cidii ka dhaga adaygta fariintan in ay la kulmi doonaan ganaax.

Fariintan ayaa waxaa si rasmiya u saxiixay Janaraal Cabdullaahi Gaafow oo ah taliyaha haayada sirdoonka dowlada federaalka Soomaaliya ee NISA.

Amarkan NISA kasoo baxay ayaa imaanaya iyadoo ay xiranyihiin inta badan wadooyinka waa weyn ee Muqdisho.

Muqdisho ayaa la filayaa in asbuucaan gudihiisa ay martigelin doonto shir-weynaha madaxda urur goboleedka IGAD.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*