Haayada nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa qabatay shabakad katirsan Al-Shabaab oo qaabilsanaa dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

Shabakada katirsan Al-Shabaab oo ay soo qabteen Haayada nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland. [Isha Sawirka: Jubbaland TV]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Haayada nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa qabatay shabakad katirsan Al-Shabaab oo qaabilsanaa dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

Howlgalka oo ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa lagu qabtay labo kamid a shabakada katirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen masuuliyiinta haayada nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland.

Sidoo kale waxyaabaha qarxa oo ay ku jiraan todobo bumbada gacanta ah ayaa laga helay hoyga shabakada.

Taliyaha haayada nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland Khaalid Shiikh Cali ayaa sheegay in soo qabashada shabakada katirsan Al-Shabaab ay qabashadooda gacan ka siiyeen dad weynaha magaalada.

Kismaayo oo xarun kumeelgaar ah u ahayd maamul goboleedka Jubbaland tan iyo sanadkii 2013 ayaa xasiloonayd inkastoo sanadkan 2019 ay la kulantay qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*