Haayada Laanqeyrta Cas oo ka shaqeynaysa is-dhaafsiga maxaabiista Puntland iyo Somaliland

Saraakiil ka socotay ICRC oo kulan Garoowe kula yeeshay madaxweyne ku xigeenka Puntland, March 18, 2019. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Haayada Laanqeyrta Cas ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan ICRC ayaa ka shaqeynaysa sidii ay u fududeyn lahayd is-dhaafsiga maxaabiista ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Axadii, saraakiil sare oo katirsan haayada ICRC ayaa Garoowe yimid iyaga oo kulan la qaatay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan.

Sida ilo-wareedyo katirsan dowladda ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror, kulanka ayaa looga hadlay sidii Puntland iyo Somaliland ay isku-dhaafsan lahaayeen maxaabiistii ay ku kala qabsadeen dagaalkii sanadkii lasoo dhaafay.

Lama sheegin wakhtiga rasmiga ah ee labada dhinac ay is-dhaafsan doonaan maxaabiista, balse ICRC ayaa dadaal ugu jirta sidii ay arrintaas u dhici lahayd bilaha soo socda, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Tiro maxaabiis ah oo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland ayaa lagu qabsaday bishii May ee sanadkii 2018 markaas oo labada dhinac ay dagaal khasaare dhaliyay uu ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

bilihii u dambeysay, Tukaraq ayaa xaaladeedu deganayd, inkastoo labada ciidan ay weli halkaas isku hor fadhiyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*