Haayada dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn oo qorsheynaysa in ay ku soo noqoto Soomaaliya

Dhakhtarada ka tirsan MSF oo caawinaysa ilmo yar oo jiran gudaha Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Shaqaale caafimaad oo ka tirsan MSF oo caawinaysa ilmo yar oo jiran gudaha Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Nairobi-(Puntland Mirror) Haayada dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa shalay oo Jimce ahayd sheegtay in ay qorsheynayso in ay ku noqoto Soomaaliya, in ka badan saddex sanno oo ay joojisay holwgaladeedii Soomaaliya.

Haayada gurmadka caafimaadka oo marka magaceeda oo Faransiis ah lasoo gaabiyo la dhaho MSF ayaa sheegtay in ay ku noqon doonto dalka Geeska Afrika.

Haayada ayaa ka baxday Soomaaliya bishii Agoosto ee sanadkii 2013-kii kadib muddo 22-sanno ah oo ay halkaas howlgalo ka heysay, iyada oo ku andacootay dilal iyo afduub loo geystay shaqaalaha bini’aadanimada.

MSF ayaa sanadkii lasoo dhaafay bilowday sahan ku saabsan macquulnimada ku noqoshada, iyada oo wefdi u soo dirtay Soomaaliya bishii May ee 2016-kii si ay u la kulmaan masuuliyiinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Soomaaliya ayaa hadda wajahaysa musiibooyin dabiici ah sida abaarta, taasoo lagu qiyaasay in ay saamaysay ku dhawaad 5 milyan oo qof.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*