Haayada Dhakhaatiirta Aan Xuduuda Lahayn ee MSF oo howlo caafimaad ka bilowday isbitaalka Gaalkacyo

Isbitaalka Gaalkacyo ee gobolka Mudug. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ku dhawaad afar sanno kadib oo ay shaqaalaheeda kala baxday gudaha Soomaaliya, haayada Dhakhaatiirta Aan Xuduuda Lahayn ee MSF ayaa daaweyn caafimaad oo rasmi ah ka bilwoday gudaha Soomaaliya gaar ahaan isbitaalka guud ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyada oo wada shaqayn la leh Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Bishii Agoosto ee sanadkii 2013-kii ayaa haayada MSF ka baxday gud ahaan Soomaaliya kadib markii weeraro kala duwan lala eegtay shaqaalaheeda gargaarka.

MSF ayaa Puntland ku door biday in ay ka shaqayso ammaanka wanaagsan ee ka jira dartiis, sida ay sheegeen saraakiisha haayada MSF.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*