Haayada cunada aduunka u qaabilsan QM oo baaraysa eedaymaha raashinka dhacay ee Soomaaliya

Haayada cunada aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay (WFP) ayaa shalay oo Arbaco ahayd sheegtay in ay baarayso eedaymaha sheegaya in ay isku dayday in raashin dhacay oo waxyeeloobay u geyso dadka dega gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Taliye sare oo booliis ah, Cabdulaahi Bariise ayaa sheegay in laamaha amaanka ay Talaadadii qabteen diyaarad rabtay in ay ka duusho caasimada Muqdisho oo ay u duusho magaalada Garbahaaray, sababtoo ah 100 jawaan oo cunada diyaarada saarnayd ayaa waxaa kamid ahaa waxyaabo dhacay.

Saliida cunada lagu karsado ayaa dhacday bartamihii sanadkii 2015-ka, markii ay dadka deegaanka ay soo saaraan galayda, digirta iyo qamardiga ayaa lasoo saaraa raashin lagu kaydiyay bakhaaro waa weyn oo Muqdisho ku yaala, ayuu yiri Bariise.

Bariise iyo sarkaal booliiska ah oo la dhaho Cali Yare ayaa sheegay dad badan oo ay kamidyihiin shaqaale Soomaali ah oo WFP katirsan in la xiray.

Waa markii kowaad oo diyaarad wada cuno lagu qabto gudaha Soomaaliya.

“Waxaanu fiirinaynaa dhacdadaan,” sidaa waxaa tiri Challiss McDonough, oo ah afhayeenka WFP oo ku sugan magaalada Nayroobi.

“Uma malaynayo wax cuno ah oo dhacday in ay ku jiraan adeegyadayada Muqdisho, laakiin waaanu baaraynaa haddii ay jiraan badeeco laga yaabo si aan wanaagsanayn in loo kaydiyay oo waxyeeloowday,” ayay tiri.

“Badqabka dadka aanu caawinayno waa muhiimadayada ugu saraysa, waxaana samaynaa wax walba oo macquul ah oo lagu ogaanayo in raashinka aanu qaybinayno uu la kulmo heerarka ugu sareeya ee tayada iyo badqabka,” ayay ku dartay afhayeenku.

“Waxaanu xiriir la leenahay haayadaha gudaha waxaana rajaynayaa in xaalada si dhaqso ah loo xaliyo,” ayay tiri afhayeenka haayada cunada aduunka WFP oo wareysi siinaysay wakaalada wararka Jarmalka ee DPA.

 

(Warbixintan waxaa qortay wakaalada wararka Jarmalka, DPA, waxaa turjumay warsidaha Puntland Mirror)

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*