Haayada Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas oo cuno iyo alaabaha guryaha gaarsiisay 60,000 qof oo ku barakacay dagaalka Gaalkacyo

icrc
ICRC oo cuno iyo alaabaha guryaha gaarsiisay 60,000 qof oo ku barakacay dagaalka Gaalkacyo. [Sawirka: ICRC / Feisal Mohamed Mukhtar]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Kadib dagaalo culus oo ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo ciidamada dowlada Puntland iyo kuwa maamulka Galmudug, haayada Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) iyo haayada Bisha Cas Soomaaliya (SRCS) ayaa u qaybiyay, bariis, digir iyo saliid in ka badan 60,000 oo dad barakacay ah.

In kamid ah 34,000 oo qof kuwaasoo qabay baahi weyn, ayaa helay maro kaneeco, marada roobka laga galo, alaabaha jikada, saxamada wax lagu shubto iyo jirgaamo. Waa jawaab ka bixintii ugu weynayd ee haayada ICRC ka samaysoa dalka sanadkan. Gargaarka cunada ayaa la filayaa in ay hayso dadkaas muddo bil ah iyadoo la filayo in xaalado ay qabowdo.

Sidoo kale meelo kumeel gaar ah oo biya lagu qaybinayo iyo booyado biyo ah ayaa la gaarsiiyay dadkaas. Haayada Bisha Cas ee Soomaaliya ayaa sidoo kale siisay adeegyo caafimaad qoysaska barakacay.

Dagaalada culus ee ka qarxay magaalada Gaalkacyo 7-dii Oktoobar ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 18 qof tobonaan kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Haayada ICRC ayaa ku qiyaasaysa 90 boqolkiiba in dadka deegaanka Gaalkacyo ay u barakaceen tuulooyinka u dhow magaalada. Barakaca ayaa sii socda iyadoo xiisada u dhaxaysa labada dhinac ay wali jirto.

Barakacaan culus ayaa imaanaya sanad kadib si lamid ah markii ay uu magaalada ka qarxay dagaal u dhaxeeya labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug bishii December 2015-kii, kaasoo ay ku dhinteen ugu badnaan 50 qof ku dhawaad 70,000 oo qofna ay ku barakaceen.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*