Guuto cusub oo ciidamo ah oo ka socda dalka Burundi oo yimid magaalada Muqdisho

Guuto cusub oo ciidamo ah oo ka socda dalka Burundi oo yimid magaalada Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Sonna]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guuto cusub oo ciidamo ah oo ka socda dalka Burundi ayaa shalay oo Axad ahayd yimid magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa badali doona ciidamo kale oo reer Burundi ah kuwaasoo horey u joogay Soomaaliya, sida uu sheegay Janaraalka ciidamada hoggaaminyay oo la dhaho Kornayl Philbert Hatungimana.

Kornayl Philbert Hatungimana ayaa sheegay in guutada cusub la geyn doono magalaada Jowhar ee maamulka Hir-Shabelle.

Burundi waa dalka labaad Uganda kadib kuwaasoo ciidamo u soo diray Soomaaliya si ay uga qeybgalaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee soo celinta nabada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*