Gugii Carabta kama dhici karo gudaha Zimbabwe, Mugabe oo u digay dadka banaanbaxa samaynaya

Mugabe
Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe.

Harare-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa shalay oo Jimce ahayd ka digay in mudaharaadyo leh qaab sidii Gugii Carabta ay ka dhacaan gudaha dalka Zimbabwe, kadib markii ciidamada booliiska ay sunta dadka ka ilmaysiisa iyo garaacid u adeegsadeen dad mudaharaad samaynayay.

Tobonaan booliis ah ayaa ka hortagay mudaharaad ay samaynayeen mucaaradka oo ay uga soo horjeedaan dib u habayn lagu samaynayo doorashada 2018, iyadoo hoggaamiyaha 92-sanno jirka ah ee Mugabe uu doonayo in markale lasoo doorto.

Dadka mudaharaadka samaynayay ayaa dhagxaan ku tuurayay ciidamada booliiska iyagoo sidoo kale gubay taayiro kuwo kalena waxay soo rideen caalamadaha Mugabe ee suran wadooyinka.

“Waxay ku gubayaan taayiro wadooyinka dhexdooda si ay u helaan awooda. Waxay umalaynayaan in wixii ka dhacay Gugii Carabta uu dalkan ka dhacayo, laakiin waxaan u sheegayaa taasi kama dhici karto halkan,” sidaa waxaa yiri Mugabe oo khudbad ka jeedinayay taleefishinka dowlada Zimbabwe.

“Waa maxay siyaasada markii aad taayiro gubtid? Waxaanu rabnaa nabad ka dhacda dalkan gudihiisa,” sidaa waxaa yiri Mugabe oo ku eedeeyay xoogag ajnabi ah in ay gacan ku leeyihiin kacdoonka dalkiisa kajira.

Robert Mugabe ayaa dalka Zimbabwe maamulayay 36-sanno, waxaana lagu tiriyaa hoggaamiyaasha maanta ugu mudada dheer caalamka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*