Guddoomiyihii maxkamada sare ee dowladda Puntland Yuusf Xaaji Nuur oo ku geeriyooday dalka Turkiga

Guddoomiyihii maxkamada sare ee dowladda Puntland Yuusf Xaaji Nuur [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii maxkamada sare ee dowladda Puntland Yuusf Xaaji Nuur ayaa ku geeriyooday maanta oo Axad ah dalka Turkiga.

Bilihii u dambeeyay, Yuusus ayaa xanuunsanayay, sida dad eheladiisa kamid ag ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Bishii Agoosto ee sanadkii 2016 ayaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali uu u magacaabay Yuusuf guddoomiyaha maxkamada sare, taasoo uu soo qabtay xilligii Puntland la dhisay.

Yuusuf Xaaji Nuur ayaa kamid ah xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee aadka u yaqaan dhanka sharciyada.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid guddoomiyaha.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu uga tacsiyaynayaa shacabka Puntland, bahda Garsoor iyo masuuliyiinta Maxkamadda Sare geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur, si gaar ah waxa uu tiiraanyada ula wadaagayaa eheladii, asxaabtii qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.” Ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

Bishii Luulyo 1-deedii sanadkii 2001, Yuusuf ayaa soo saaray go’aan uu ku sheegayo in uu yahay madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Puntland kadib markii wakhtigii la doortay madaxweyne Cabdullaahi Yuusf uu dhammaaday. Balse Cabdullaahi ayaa ku gacansayray go’aankaas waxaana uu ku adkeystay in uu yahay madaxweynaha xaqa ah, taasoo ugu dambeyn gobolada Puntland dhaxalsiisay labo sanno oo colaad ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*