Guddoomiyihii hore ee maxkamada sare Puntland Yuusuf Xaaji Nuur oo aas qaran oo loogu sameeyay Garoowe

Yuusuf Xaaji Nuur ayaa lagu aasay qabuuro kuyaala duleedka Garoowe. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii hore ee maxkamada sare ee dowladda Puntland Yuusuf Xaaji Nuur ayaa maanta oo Jimce ah lagu aasay qabuuro kuyaala duleedka magaalada Garoowe, kadib aas qaran oo loo sameeyay.

Aaska qaran ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Puntland, guddoomiyaha maxkamada sare ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka socday heer federal iyo Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u duceeyay guddoomiyihii hore ee maxkamada sare Puntland in uu Ilaahay u naxariisto.

“Waxaan maanta halkan ku aasnay marxuum Dr. Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa mid ka mid ah tiirarka dowladnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, ahaana gudoomiyihii maxkamadda sare ee Puntland, Alle naxariistii Jano ha siiyo inagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa bahda garsoorka, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuumku.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Yuusuf Xaaji Nuur oo labo jeer soo noqday guddoomiyaha maxkamada sare ee Puntland, ayaa asbuucaan ku geeriyooday dalka Turkiga, halkaas oo meydkiisa laga soo duuliyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*