Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Puntland oo iscasilay

13151768_2174515499354873_2267185365812662716_n
Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali. [sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali oo loo yaqaan (Axmed Kismaayo) ayaa xilkiisii iska casilay maanta oo Isniin ah.

Axmed Kismaayo ayaa sheegay in uu isku casilay arrimo isaga ugaar ah, sida uu ku sheegay boggiisa Facebooka.

Wariyihii hore ee siyaasiga noqday ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali uu si rasmiya uu uga aqbalay iscasilaadiisa.

Axmed Kismaayo ayaa loo doortay Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Puntland bishii April ee sanadkan 2016-ka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*