Guddoomiyihii golaha mucaaradka Oromada Itoobiya oo la xirey

Hoggaamiyaha golaha dadka Oromada, Merera Gudina. [Sawirka: Archive]
Hoggaamiyaha golaha dadka Oromada, Merera Gudina. [Sawirka: Archive]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaha mucaaradka Itoobiya oo kasoo jeeda gobolka xiisaduhu ka taaganyihiin ee Oromada ayaa la xirey kadib markii uu kasoo noqday kulan uu kula soo yeeshay Brussels xubno katirsan baarlamaanka Midowga Yurub.

Merera Gudina, oo ah guddoomiyaha golaha federaalka Oromada ayaa laga qabtay gurigiisa oo kuyaala caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, sida uu sheegay ku xigeenkiisa.

“Merera ayaa subaxnimadii Arbacada kusoo noqday Addis Ababa isaga oo ka yimid Brussels, halkaas oo uu kulan kula yeeshay xubno katirsan Midowga Yurub,” Gebru Gebremariam, oo ah guddoomiye ku xigeenka golaha federaalka Oromada ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Reuters.

“Booliiska ayaa ku xiray gurigiisa dhexdiisa galabnimadii Arbacada. mana naloo sheegin sababta ka dambaysa xiritaankiisa. Ayuu ku daray Gebru.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*