Guddoomiyihii gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah

Dhaawaca guddoomiyaha gobolka Nugaal. [Isha sawirka: Tiyaatar Pro]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii gobolka Nugaal ayaa u geeriyooday qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Garoowe xalay.

Qaraxa oo ahaa qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qaxiyay gaariga guddoomiyaha xilli uu marayay bartamaha magaalada gaar ahaan meel u dhow saldhiga ciidaanka booliiska Garoowe, sida warsidaha Puntland Mirror ay u sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Guddoomiyaha Cabdisalaam Xasan Xirsi ayaa dhawaaciisa la geeyay isbitaalka guud ee Garoowe, halkaas oo uu ku dhintay.

Saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Garoowe, sida ay ku warantay Radio Al Andalus oo taageerta maleeshiyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*